Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wiil gabar ku dilay Mölndal oo maxkamad maanta la soo taagay

La daabacay måndag 23 maj 2016 kl 13.14
Goobtii uu dilku ka dhacay. Sawirle: Adam Ihse/TT
Goobtii uu dilku ka dhacay. Sawirle: Adam Ihse/TT

Maanta ayaa maxkamad la soo taagay wiil lagu soo eedeeyey inuu ka dambeeyay dilkii gabar ka howl-galeeysay hooygii uu ku noolaa ee dhallaanka keli-nimada dalkan ku yimaada.

Iyadoo sidoo kale lagu eedeeyey isku day dil ee ruux kale oo isku dayay inuu gabadha badbaadiyo.

25-kii bishii jannaayo ayay ahayd kolkii gabadh 22 jir ah oo ka howl-galeeysay hooyga HVB-hem uu qudha ka jaray wiil goobtaa ku noolaa. Sida eedeeynta ku cad waxaa la sheegay in dhowr jeer mindi lala beegsaday gabadha.

Dacwadda lagu soo oogay wiilka ayaa la xiriirta dil iyo isku day dil, iyadoona uu dacwooduhu sheegay in falalkaasi ahaayeen kuwo ku talo gal ah iyo in aanu eedeeysanuhu muujin ka murugeeysnaan iyo falal bareer loo geeystay.

Eedeeysanaha ayaa gacanta lagu dhigay falkaa dabadiis, iyadoona la go’aamiyay in ruumka la dhigo muddo saddex maalmood dabadeed maadaama ay u qornayd inuu 15-jir yahay. Caddeeymaha lagu hayo ayey ka mid yihiin markhaatiyo goobta ku sugnaa, ciidanka ammaanka iyo qalliinkii ey dhakhaatiirtu ku sameeyeen gabadha geeriyootay.

Eedeeysana ayaa sheegtay da’da 15-jir, hase yeeshee baaritaanno lagu sameeyey u janjeeraan inuu ka wayn yahay. Xeer-ilaaliyaha ayaa maxkamadda u soo jeediyay in lagu xukumo eedeeysanaha tarxiil iyo in aanu Sweden dib ugu soo noqon karin.

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".