Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Stampen oo ay dhaqaale xumo la soo gudboonaatay

La daabacay måndag 23 maj 2016 kl 16.04
Göteborgs posten
Sawirle: TT

Urur-shirkadeedka war-geeysyada ee lagu magacaabo Stampen, uuna qayb ka yahay war-geeyska maalinlaha ee Göteborgs Posten, kana soo baxa magaalada Göteborg ayaa codsaday in dib u habeeyn (rekonstruktion), sida uu urur-shirkadeedku war-saxaafadeed ku soo saaray qoraal saxaafadeed.

– Iminkadan waxay howluhu u socdaan hab wanaag-san oo hor-u-mar leh. Hase yeeshee deeymaha nalagu leeyahay ayaa weli aad u sarreeya, halka aanay khasnadda waxa soo galaanna ku fillayn, sida uu qoraal-saxaafadeed ku qoray madaxa sare ee shirkadda, Martin Alsander.

Codsiga ay shirkaddu u gudbisay maxkamadda degmada ayaa la xiriira dhammaan laamaha kala duwan ee shirkadda ee la xiriira Local Media, howlaha war-geeysyada, Modern Women Media iyo sidoo kale laanta hoos timaada shirkadda ee Stampen AB.

Howl-maalmeedka ayaa sidoodii u socon doona, mana ahan caqabad ey dareemi doonaan akhristeyaashu, sida laga soo xigtay shirkadda Stampen.

Sannadkii tagay ayay shirkadu ka baayac mushtartay miisaaniyad gaarsii-san 3,3 milyaardi oo koronka iswiidhishka, isla-markaana ay ka howl-geleyeen howl-wadeenno gaarsii-san 3 000 oo ruux.

Isha/ Ekot

                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".