Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

DEG DEG: Baaritaankii dacwadda ee Wallström oo hoos loo dhigay

La daabacay tisdag 24 maj 2016 kl 09.57
Wallström oo baaristii lagu waday hoos loo dhigay
(1:40 min)
وزيرة الخارجية السويدية مارغوت فالستروم.
وزيرة الخارجية السويدية مارغوت فالستروم. sawir: Marcus Ericsson/TT

Qoraal saxaafadeed ka soo baxay madaxa xeer-ilaaliyaha ee laanta ka hor tagga musuq-maasuqa  ayaa lagu sheegay in hoos loo dhigay dacwaddii tuhunka ee ku socotay wasiirka arrimmaha dibadda Sweden Margot Wallström.


Tuhunkan baaritaanka ayaa la xiriiray iyada oo uu ururka shaqaalaha ee Kommunal uu siiyay guryihiisa mid ka mid ah ee ku yaala bartamaha magaalada Stockholm kiradiisuna aad u hooseeyso, wasiiradda arrimmaha dibadda ee Sweden Margot Wallström, middaasina oo uu galey tuhun in gacmaha la is dhaafsadey. Hoos u dhigista tuhunkan dacwadda ayuu go’aan ku gaaray madaxa xeer-ilaaliyaha laanta ka hor-tagga laaluushka iyo musuq-maasuqa Alaf Johansson.

- Isu geeyn iima aanay suurtagelin caddeeynta inay jirtay xiriir saamayn ee ka dhexeeya shaqada, middaasina oo macnaheedu tahay in wasiiradda guriga loo siiyey iyada oo loo eegeyo darajada ay hayso, sida uu sheegay Alf Johansson.

Faallo qoraal ah oo Wallström u soo gudbisay hayadda wararka Sweden ee TT ayay wasiiraddu ku sheegtay: "Way i soo gaartay akhbaarta in tuhunkii dacwadda hoos loo dhigay. Waana tallaabo wanaag-san in laga gool gaaray. Iminkana waxaan xoogga isugu geeyn doonaa howlaha aan u xil-saarnahay".

Isha/ Åklagarmyndigheten , Riksenheten mot korruption.

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".