Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Isticmaalka bacda galmada oo hoos u dhacday

La daabacay tisdag 24 maj 2016 kl 12.02
43% ayaa isticmaasha iminka halka ay ka ahayd 48%
(2:30 min)
Kondom
Bacda galmada ay raggu u isticmaalaan. sawir: Claudio Bresciani / TT

Isbedel dhanka liidata oo uu isticmaalkiisu ka hooseeyo sidii hore ayaa ku dhacay dadyoowga isticmaala bacda galmada (Kondom). Halka dhanka kale aanay ahayn wax sidii hore looga xishooda hadal-hayntiisa sida uu ururka RFSU ku sheegay cabirkiisii sannadlaha ee isticmaalka bacda galmada loo gashado.

– Goolkayagu wuxuu yahay in kor loo qaado tirada dadyoowga isticmaasha kondom-ka, qaasatan xiriirrada cusub, hase yeeshee ay iminka middaasi hoos u dhacday, inkastoo aannu is-bedelku ahayn mid sidaa u wayn, sida uu sheegay Pelle Ullholm, ahna howl-wadeen ka howl-gala ururka daladda ururrada ee ku war-gelinta isu-tagga (RFSU).

Cidda ugu wanaag-san sidii ay horayba u ahaan jirtay ee isticmaala bacda galmada ayaa ah ragga isu galmooda, halka ay ugu liitaan ragga iyo haweenka isu-galmooda.

Gaar ahaan waxa loo baahan yahay in bacda galmada loo isticmaalo barashad cusub. Waxaa muuqatay in hab-sami loo arko shakhsi marka hore soo jeediya fikirka ah in bacda galmada la isticmaalo, sida uu sheegay Pelle Ullholm.

- Shakhsiga marka hore soo saara bacda galmada iyo in la isticmaalo, ayay dadka badankii u arkaan inuu yahay shakhsi masuuliyad qaadi kara, qof qaan-gaar, waayo-arag ah, ka fekera shaksiga kale.

Pelle Ullholm ayaa aaminsan in loo baahan yahay olole ballaaran oo ku wajahan ragga dhallin-yarada ah, qaasatan kolka laga hadleyo caafimaadka, galmada iyo jinsiyadda (lab ama dheddig).

Haweenku waxay si joogto ah ugu tagaan dhakhaatiirta cudurrada haweenka, halkaasina oo inta badan lagu war-geliyo habka looga hor-tegi karo dhibaatooyinka, suurtagal u haysta inay su’aallo weydiiyaan, isla-markaana weeydiiya. Dhallin-yarada raggu suurtagalkaa ma haystaan .

Isha/ Ekot

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".