Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

SMHI oo ka digaysa roobab xooggan onkod iyo hillaac

La daabacay tisdag 24 maj 2016 kl 15.36
SMHI oo ka digaysa roobab onkod iyo hillaac wata
(1:27 min)
Roob ku da'aya muraayadda gaari.
Roobab da'aya. Sawirle: Jennie-Lie Kjörnsberg sawir: Jennie-Lie Kjörnsberg

Hayadda saadaalinta hawada SMHI ayaa ka digaysa roobab xooggaan, hillaac iyo onkod gelinka dambe ee maanta ku soo wajahan waqooyiga  gobolka Halland iyo qaybo ka mid ah galbeedka gobolka Götaland.

Carrigaasi ayaa la fileyaa iney ka da’aan muddo gaaban roobab xooggan oo biyo badan, sida ay sheegtay hayadda saadaalinta hawada ee SMHI.

Digniintan ay hadda SMHI bixisay ayaa gaar ahaan ku wajahan waqooyiga Halland iyo carriga Sjuhäradsbygden.

- Xisaab ahaan ayay hayaddu sidoo kale sheegtay in qiyaastii inuu onkod dhaco ay tahay 25%, sida uu sheegay Mats Andersson, ahna aqoon-yahan cilmiga saadaasha hawada ee hayadda SMHI.

Sharraxaadda SMHI ee la xiriirta roobab biyo badan ayay macnaheedu tahay inay jirto halista ah daadad wax qaada oo xitaa waddooyinka harqin kara.

Isha/ Ekot, SMHI

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".