Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Faalooyinkii laga bixiyey dhismaha dawladda cusub ee Löfven

La daabacay onsdag 25 maj 2016 kl 14.53
Anna Kinberg Batra. Sawirle: Emil Langvad/TT
Anna Kinberg Batra. Sawirle: Emil Langvad/TT sawir: Emil Langvad/TT

Anna Kinberg Batra, hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna. 

- Stefan Löfven wuxuu un soo ban-dhigay magacyo iyo darajooyin, aanay la socon siyaasaddii lagu adkeeyn lahaa dalka.

Waxaa loo baahnaan laha helista shaqooyin sahlan, saacadaha iskuulka la dhigto oo kor loo qaado iyo tiro ciidanka ammaanka oo kor loo qaado. Waana tallaabooyin ka maqan sidii siyaasadda laba kacleeyn loogu abuuri lahaa, sida ay sheegtay hogaamiyaha xisbiga Modaraterna Anna Kinberg Batra.

- Natiijada ayaa la xisaabiyaa.

Annie Lööf, hoggaamiyaha xisbiga Center Partiet.

Hoggaamiyaha xisbiga Center Partiet Annie Lööf, ayaa soo dhoweeysay in Mikael Damberg loo xil-saaray sidii uu ku abuuri lahaa shaqooyin sahlan, oo ay qaban karaan dadyoowga ay tacliintoodu hooseeyso. Dhibaataduse waxay tahay inuu Stefan Löfven, xibiga Socialdemokraterna (S) iyo dawladduba ey mar walba ka soo hor-jeedeen fikirrada loo soo ban-dhigo ee sahli lahaa abuurista shaqooyin sahlan, sida ay sheegtay Annie Lööf, mar ay qoraal u gudbisay hayadda wararka Sweden ee TT.

Petter Thorwaldsson, hoggaamiyaha ururka shaqaalaha LO.

Hoggaamiyaha ururka daladda ururrada shaqaalaha ee magaciisa loo soo gaabiyo LO, Karl Petter Thorwaldsson ayaa sheegay in wasiirrada cusub laba ka mid ah, xubnana ka ah xisbiga Miljö Partiet (MP), iney yihiin xubno uu ururka shaqaaluhu ka heli karo.

- Waxay iila muuqataa in xisbiga MP, uu doortay laba shakhsi oo macquul ah. Xasilooni ayaan dameeyay kolkii lagu dhawaaqay magacyada golaha wasiirrada, sida uu sheegay.

Isha/ TT

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".