Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

25 jir dacwad lagu soo oogay oo loo cuskaday xeerka cusub argagxisada

La daabacay onsdag 25 maj 2016 kl 16.37
Pågående förhandling
Arkivbild. sawir: Marcus Ericsson / TT

Markii ugu horeysay ayaa maxkamad lagu tijaabinayaa sharciga cusub ee u socdaalka argagaxisada.

Nin 25 jir ah oo bishii april lagu qabtay garoonka diyaarada Arlanda ayaa maanta lagu soo oogay dacwad ah in uu ku biiri rabay kooxa argagaxisada ah ee Al-Nusrafront.

"Waa qofkii ugu horeeyey dacwad lagu soo oogo iyadoo loo cuskanayo sharciga cusub ee hirgalay kowdii april 2016, ayey tirir xeer-illaaliye Agnetha Hilding Qvarnström, oo ka howl-gasha waaxda xeer-illalinta ee amniga.

Ninka ayaa 12 april ka dhoofay Sweden kana degay dalka Turkiga, isla maalinkiina dib ayuu isla maalinkaa u soo noqday. Sida laga soo xigtay xeer-illaaliyaha ninka halka uu ku sii jeeday waxay aheyd dalka Suuriya si uu ugu biiro jamhadda argagaxisada ah ee Al-Nusrafront iyadoo ujeedkiisa aheyd in uu geysto fal dembiyeed argagaxiso.

Inkastoo dhoofka ninkan uu ahaa mid gaaban uuna gaarin hadefkii uu u socdaalay, ayaa 25 sanno jirkan iyadoo loo cuskanayo xeerka cusub ee argagaxisada waxaa lagu soo oogay dacwad ah in uu damacsanaa ku biirista argagaxiso.

Sida uu dhigayo xeerka kowdii april la hirgeliyey qof kasta oo u socdaala argagaxisada oo hadefkiisa yahay in uu geysto fal-dembiyeed argagaxiso waa dembiile ay tahay in la maxkamadeeyo.

Dacwadda ka dhanka ah ninkan ayuu xeer-illiyaha ku soo bandhigay dhowr marqaati oo caddeynaya in ujeedada ninkan aheyd fal-dembiyeed argagaxiso in uu ka geysto Suuriya. Caddeymaha xeer-illaaliyaha waxaa sidoo kale ku jira tikidkii uu ku tagay Turkiga, qoralo sms ah iyo weliba qoralo wado-hadal oo facebok-giisa laga helay.

25-jirka ayaa ka soo jeeda magaalada Södertälje, illaa iyo 15 april ayuu u xirnaa boliska. Ninka ayaa gebi ahaanba inkirsan fal-dembiyeedka loo heysto.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".