Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baarlamaanka oo meelmariyey heshiiska wadoshaqeynta Nato iyo Sweden

La daabacay onsdag 25 maj 2016 kl 17.11

Baarlamaanka ayaa sida la filayey meel mariyey heshiiska wado-shaqeynta gaashaanbuurta Nato iyo Sweden.

Xisbiga bidixda keliya ayaa heshiiskan ka soo jeedsaday, balse baarlamaanka ayaa heshiiskan ku meelmariyey cod aqlabiyad ah oo ah 291 xil-dhibaan oo codka siisay heshiiska, halka 21 xildhibaan keliya ka soo horjeedsadeen meelmarinta heshiiska.

Go’aanka uu baarlamaanka heshiiskan ku meelmariyey ayaa waxaa buuq kalo horyimid dhegeystiyaasha u imaadey doodda baarlamaanka in ah dhgeystaan iyadoo markii dembe afhayeenka baarlamaanka ku dalbaday waardiyaasha si looga saaro dadka qeylinayey dhismaha baarlamaanka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".