Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Farqiga dhaqaale ee u dhexeeya ajaaniibta iyo iswiidhishka oo kacay

La daabacay onsdag 25 maj 2016 kl 17.10
Farqiga dabaqadaha oo kor u sii kacay
(2:51 min)
Boorso maran iyo shacbi adeeganaya. Sawirle:TT
Boorso maran iyo shacbi adeeganaya. Sawirle:TT sawir: TT

Hayadda tira-koobka ee magaceeda loo soo gaabiyo SCB ayaa maanta markii ugu horeeysay soo saartay tira-koob la xiriira ka duwanaanta hab-nololeedka ee dadyoow dalkan ku dhashay iyo kuwa ku dhashay waddammada ka bax-san qaaradda Yurub.

Iyadoona ay natiijada tira-koobka ka soo baxday ay noqotay inuu aad kor ugu kacay farqigii u dhexeeyay.

- Labadii ruuxba mid ee ka mid ah muwaadiniinta iswiidhishka ee ku dhashay asal ahaan waddan ka bax-san qaaradda Yurub ayaan suurtagal u lahayn dhaqaale uu isaga bixin karo kharashyada lama fillaanka ah. Waxaana laga hadleyaa dhaqaale gaarsii-san 11 000 oo koron muddo bil gudaheed ah iyada oo aan la soo deeyn-san. Kolka loo barbar-dhigo tiradaasi iswiidhishka dalka ku dhashay oo gaarsii-san 14% oo aan ku heli karin bil gudaheed 11 000 oo kayd ah iyaga oo aan dayn ku qaadan sida uu sheegay Thomas Helgesson wuxuu gacan ka geeysta baaritaankii tira-koobka:

Waxaa iyaguna jira farqiyo kale ee u dhexeeya. Tusaale ahaan 13% dadyoowga ka soo jeeda waddammada ka bax-san Yurub kuma haystaan guryaha ay ku jiraan ceeymiska hooyga, halka ay kuwa Sweden ku dhasha ay tiradaasi gaarsii-san tahay 2%. 47% dadka ku dhashay waddammada ka bax-san Yurub waxaa lagu tiriyaa inay u deggen yihiin ciriiri, halka tirada dhiggooda ee dadyoowga dalkan ku dhashay ay gaarsii-san tahay 12% sida tirakoobka ku cad.

Waa markii ugu horeeysay oo ay hayadda tira-koobka ee SCB baaris ku sameeyso farqiga u dhexeeya surtagalka hab-nololeedka dadyoowga Sweden ku dhashay iyo ku asal ahaan ka soo jeeda waddammada ka bax-san qaaradda Yurub, maadaama la dareemay in baahi wayn loo qabo. Iyadoona horay loo isticmaali jiray ”dadyoowga asal ahaan ka soo jeeda dalka dibaddiisa iyo kuwa asalkoodu uu iswiidhish yahay”.

Thomas Helgesson iyo mar kale:

- Sababaha ugu wacan waxey yihiin shaqada, mushaarka, da’da, heerka tacliineed, xaaladda qooyska, in shakhsigu keli u nool yahay iyo inuu/inay masruufto qoys dhan, sida uu sheegay Thomas Helgesson oo gacan ka geeysta baaritaankii tira-koobka:

Isha/ Ekot

                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".