Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tirada lagu tuhunsan yahay maalgelin xagjirnimo oo kacday

La daabacay torsdag 26 maj 2016 kl 10.57
Maal-gelinta argagixisada oo kor u kacday
(3:03 min)
Lacag waraaqo ah iyo nin maskaraaddo xiran.
Lacag waraaqo ah iyo nin maskaraaddo xiran. Sawirle: TT. Sawir macmiil ah: Sveriges Radio.

Aad ayay kro ugu kacday tirada dadyoowga tuhunka laga qabo iney maal-gelin ku sameeyaan argagixisada ee soo gaara ciidanka kor-meerka dhaqaalaha.

Middaasina oo ay ugu wacan tahay iyada oo maamullada bangiyada iyo machadyada dhaqaaluhu ku soo war-geliyaan hayadda, sida ku cad war laga soo xigtay ciidanka kor-meerka dhaqalaha - Finanspolisen.

– War-gellinnada na soo gaara ee ka yimaada bangiyada iyo machadyada dhaqaale ayaa qiyaas ahaan laba jibbaarmay, middaasina oo ay ugu wacnaan karo inay howlahoodii dardar geliyeen, sida ay sheegtay Angelica Wallmark, ahna madax waaxed ee ciidanka kor-meerka dhaqaalaha.

Maxay yihiin dhaqdhaqaaqyada ey arkaan oo ey idinku soo war-geliyaan?

– Waxay ka fal celiyaan matalan dhallin-yaro aannu meelna dhaqaale ka soo gelin oo siyaabo kala duwan u bilaaba iney habab kala duwan dhaqaale u ururiyaan, deeymo u qaataan ama khiyaamo dhaqaale sameeyaan. Iyadoona midda laga falceliyaa tahay tirada iyo xawaaliga howlahaa..

Kor u kacan ayay ka muuqatay war-bixintii ciidanka kor-meerka dhaqaalaha 2015, hase yeeshee ay hayaddu ka gaabsatay inay ka warranto tirada la tuhun-san yahay, balse sida ay sheegtay Angelica Wallmark inay ugu wacan tahay maadaama ey sannadihii ugu dambeeyey dhallin-yaro badani ugu socdaaleen sidii ey uga garab dagaalami lahaayeen ururrada xag-jirka ee dalka dibbaddiisa.

– Howlaha aannu qabanaa waxey yihiin in aannu si habsami leh u baarnno lacagaha dibadda loo diro , dabadeedna aannu u gudbinno ciidanka nabad-sugidda.

Inkasta oo hayado dhowr ahi ku soo warrameyaan iney kor u kaceen maal-gelinta xag-jir-nimada ayaa illaa hadda xeerka la hor-keenay, isla-markaana uu xukun ku dhacay shakhsi keliya toban sannadood ka badan muddo laga joogo. Maxaa ugu wacan marka in aan tiro ka badan sharciga la hor-keenin?

– Gaar ahaan waxaa ugu wacan inay adag tahay sidii markhaati cad loogu heli lahaa, in dhaqaaluhu uu si toos ah gacanta ugu galay urur xag-jir ah, sida ay sheegtay Angelica Wallmark, ahna madax-waaxeed ee ciidanka kor-meerka dhaqaalaha - Finanspolisen.

Isha/ Ekot

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".