Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Hayadda FI oo kulan isugu yeertay hoggaannada bangiyada

La daabacay torsdag 26 maj 2016 kl 13.20
FI oo wel ka muujisay deeymaha badan ee bangiyadu bixiyaan
(2:04 min)
Hus i lego och pengar illustrerar bolån Foto: Erik Nylander / TT
Lacag iyo guri alaabooyin ka sameeysan. sawir: Sawirle: Erik Nylander / TT

Hayadda kor-meerka dhaqaalaha – Finansinspektionen ayaa welwel ka muujisay deymaha kor u sii kacaya oo ay qaataan bulshada reer Sweden, sida ku cad war-bixin ay hayaddu soo saartay maanta. 

Idaoona ay hayaddu ku talo jirto sidii ey kulan isugu yeeri lahayd maamullada bangiyada dalka ugu waaweyn ee deeymaha bixiya iyo sidii loo yareeyn lahaa qaadashada deeymaha.

– Waxaan doonayaa in si cad u qeexo welwelka aan ka qabo iyo sida aan xaaladda u arko, iyo inaan ogaado sida ey iyagu u arkaan. Goolkeeyguna wuxuu yahay in hor-seed loo noqdo sidii loo xakameeyn lahaa iyo in la arko hoos u dhac ku yimaada deeymaha tirada badan oo hoos u dhaca, sida uu sheegay Erik Thedéen, agaasimaha guud ee hayadda kor-meerka dhaqaalaha.

War-bixinta ay hayadda kor-meerka dhaqaaluhu soo saartay ayaa muujinaya xaaladda dhaqaale ee dalku inuu yahay mid hagaag-san, balse u dhega-nugul waxyeelo soo gaarta.

Deeymaha badan ee la qaato ayaa wax-bixinta lagu caddeeyay in aanay iminka caqabad ku ahayn xaaladda deggenaansho ee dhaqaale. Hase yeeshee kor u kaca deeymuhu ey sahli karaan dhaawac soo gaara nidaamka dhaqaalaha.

Waana midda sababtay inuu Erik Thedéen kulan isugu yeero hoggaannada bangiyada ugu waaweyn iyo sidii uu ugala xaajoon lahaa fikirradooda la xiriira deeymaha iyo xaaladda dhaqaale ee qooysaska.

– Iminka ayaa lagu jiraa xaalad loo baahan yahay sidii loo caabin lahaa. Waxaanan rajeeynayaa in hoggaannada bangiyaduna ey fikirkaa nala qabaan iyo in loo baahan yahay sidii fariinka loogu qaban lahaa kor u kaca deeymaha, sida uu sheegay Erik Thedéen.

Isha/ Ekot

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".