Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

21 saacadood ma soomi karaa anigoo wada gaadiidka dadweynaha

La daabacay tisdag 31 maj 2016 kl 17.55
Abukar Cabdi: Waajibka ayaa ka wayn gaajada
(6:37 min)
Sawirle:
sawir: Sawirle: Ebrahim Noroozi

Abuukar Cabdi Nuur oo ku magac-dheer Abuukar Shakaay wuxuu lixdii sannadood ee ugu dambeeysay uu ku howl-galayay howlo ey ka mid yihiin wadista basaska gaadiidka dad-weynaha ee magaalada Stockholm.

Dhowaantan oo ay bilaaban doonto bishii ramadaan, inta cunnada laga qatan yahayna ay gaarsii-san tahay 21-22 saacadood uu Abuukar Cabdi Nuur ku talo jiraa inuu waajibaadka ramadaanka guto.

Meel walba oo aad joogto waxaa waajib ah inaadan wixii waajibka ahaa oo diitu ku fareeysay aadan dhanna uga weecan. Waana midda uu ku talo jiro Abuukar Cabdi Nuur.

Abuukar Cabdi Nuur oo aannu wareeysi la yeelanney isaga oo albaabka u taagan madxafka buugagta ee xaafadda Jakobsberg oo la furi lahaa abaaraa 10:00 subax-nimo.

Abuukar Cabdi Nuur oo lixdii sannadood ee ugu dambeeyey shaqadiisa dareewal-nimo ku howlanaa muddadii bilaha ahayd ee ramadaanka ayaa sheegay in wax waliba ay ku xiran tahay niyadda qofka iyo wuxuu doonayo inuu sameeyo in aanay dhibaato ku hayn muddada 21, 22 saacadood ee la sooman yahay:

Howsha dareewal-nimo ee gaadiidka dad daed-weeynaha ayaa inta badan ku shaqeeya jadwal muddooyin kala duwan la qabto. Sidee u maareeysay adigoo muddo intaa le’eg soomaanaa, kolka wakhtigii afurka la gaaray inaadan wax cuni karin oo aad howl ku jirtay?

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".