Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxkamadeynta dilkii ka dhacay degmada Mölndal oo maanta bilaabaneysa

La daabacay onsdag 1 juni 2016 kl 11.49
Eedeysanaha: ma xasuusto sidii wax u dhaceen
(3:05 min)
The accommodation in Mölndal, where a young woman was stabbed to death. Photo: Adam Ihse/TT
The accommodation in Mölndal, where a young woman was stabbed to death. Photo: Adam Ihse/TT

Maanta waxaa maxkamad la saarayaa wiil da’yar oo dilay gabar 22 sanno jir aheyd oo ka shaqeynaysay xarun ku taal Mölndal oo lagu hayo da’yarta kelinada ku timaada dalka. Dilkan waxuu dhacay subax aroor ah bishii Januari.

Gabadhan ka shaqeyneysay xarunta da’yarta lagu hayo ayaa wiilkan ku weeraray tuurey kadibna kaga dhuftay dhabarka iyo lugta. Nabarada ka soo gaaray tuureyda ayey gabadha ugu geeriyoodey kadib markii ay dhiig baxday.

Wiilka maxkamada maanta la soo taagayo ayaa marka oo uu dalka iska dhiibayey waxuu sheegtay in uu jira 15 sanno, laakiin xeer-illaaliyaha oo cuskanaya hey’adda socdaalka ayaa ku dooday in wiilkan yahay qaan-gaar. Sida maxkamada ugu aragta da’da wiilkan waxaa lagu ogaan doonaa go’aanka maxkamadeed ee ay riddo. 

Maxkamadeynta wiilka ayaa socon doonta afar maalmood, dembiyaha loo heysto ee maxkamadeynayo ayaa kalo ah dil iyo iskuday dil ruuxa da’yar kale oo asna xarunta lagu hayo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".