Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kontoroolka xaduudda Sweden oo la dheereeyey

La daabacay onsdag 1 juni 2016 kl 12.01
Xaduud kontorool illaa iyo 11 november
(1:11 min)
Ljusgrönklädda vakter kontrollerar ID av passagerare
Ciidamado kontoroolaya xaduudda Sweden ay leedahay Danmark. Foto: Emil Langvad/TT

Sweden ayaa ku dhawaaqday in ay kordhineyso inta ay soconeyso kontoroolka xaduudaheeda illaa iyo 11:ka november.

Sidaas waxaa maanta SVT Nyheter u sheegay wasiirka arrimaha gudaha Anders ygeman. Sidoo kale dalka Danmark ayaa asna kordhinaya kontoroolka xaduudda uu la leeyahay dalka Jarmalka illaa iyo 11:ka november.  Saddexdan waddan, Sweden, Danmarka iyo Jarmalka ayaa ogolaansh ah in ay dheereeyaan kontoroolan xaduudahooda ka helay golaha wasiirada EU.

Xeerka Schengen ayaa dhigaya in waddamada xeerkan wada dhigtay kontorool ku-meel-gaar ah oo xadidan keliya ku soo rogi xaduudahooda. Saddexdan waddan ayaa mar hore dhaafay sida uu qabo xeerka Schengen maadaame ay kontorool ku soo rogeen xaduudahooda muddo hadda laga joogo lix bilood. Balse golaha wasiirada EU ayaa hadda u ogalaadey waddamadan in ay waqti kale ku daraan xaduud kontoroolka.

Sweden ayaa iyana ku dhawaaqdey in ay dheereyneyso xilliga uu soconayo kontoroolka xaduudaheeda, gaar ahaan xaduudda ay Sweden la leedahay Danmark. Qofka ka soo tillaabaya xaduudaha labadan dal ayaa u baahan in uu wato aqoonsi.

Sweden ayaa dhowr bilood ka hor ku soo rogtay kontorool xaduudeeda kadib markii qaxooti aad u faro badan waddankeeda soo galeen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".