Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qorshe lagu howlgelineyo ajaaniibta dalka ku cusub

La daabacay fredag 3 juni 2016 kl 11.22
Ajaaniibta dalka ku cusub sida dhakhso loogu howl-geliyo.
(2:06 min)
Ylva Johansson,wasiirka suuqa shaqada.
Ylva Johansson,wasiirka suuqa shaqada. Sawirle: Roger Bergvik / Sveriges Radio.

Dawladda ayaa maanta soo ban-dhigi doonta qorshe cusub ee sida ugu dhakhsiyaha badan loogu howl-gelin doono ajaaniibta dalka ku cusub ee horay waddammadoodii ugu soo bartay culuunta ay ka mid yihiin, culuunta bulsho-aqoodka iyo bulshada ”samhällsvetare iyo socionomer.

Laga soo bilaabo gabagabadii sannadkii ina dhaafay ee 2015 ayaa la howl-geliyey ajaaniib dalka ku cusub ee gaarsii-san 1 700, sida ku cad tira-koob ay soo saartay hayadda xafiiska shaqada - Arbetsförmedlingen.

Tallaabadan ayay dawladdu uga gol lahayd sidii ajaaniibta waddammadoodii ku soo qaatay tacliimaha baahida looga qabo dalkan goobaha shaqada, sidii loogu howl-gelin lahaa sida ugu dhakhsiyaha badan. Nidaamkaasina oo dhabbooyinka lagu gaari doono ey ka mid yihiin barashada luuqadda iswiidhishka, goobo ey tababar ku qaataan iyo qiimeeyn degdeg ah ee lagu sameeyo shahaadooyinkooda.

Saddex daloolow mid ee qayb ka ah hoowlahan ayaa ku howlan aqoon-kororsi gaar ah, halka tiro middaa u dhigantana ku howlan yihiin tababar xirfadeed.

– Waxay ku xiran tahay heerka tacliineed ee ajaaniibta dalka timaadaa leedahay iyo baahida loo qabo tacliintooda. Hase yeeshee illaa hadda laga gaarey natiijo ka sarreeysa middii la filayay, sida ay sheegtay wasiiradda suuqa shaqada Ylva Johansson (S).

– Waxaan qabaa in howshani u socoto si habsami leh. Ajaaniibta laga hadlayana waa kuwo tacliin horay u lahaa oo ey ka mid yihiin dhakhaatiir, macallimmiin, ranjiileyaal, cunno-kariye. Waa dadyoow xirfaddooda ku wanaag-sa, isla-markaana looga baahan yahay suuqa shaqada, sida ay sheegtay Ylva Johansson.

Isha/ Ekot

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".