Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan oo lagu dhaliiley ka qeybgalka dhoolatuska Nato

La daabacay fredag 3 juni 2016 kl 10.45
Dhoolatuska Nato
(1:57 min)
Stig Henriksson (V) kritiserar Sveriges deltagande i flera Nato-övningar
Stig Henriksson (V) oo canbaareyn u soo jeediyey Iswiidhan in ay dhoolatuskaas ka qeyb qaadato. sawir: TT

Maanta ayey ciidamo ka tirsan  gaashaanbuurta Nato waxay dhoolatus weyn ka bilaabayaan harada Östersjön, dalkaan Iswiidhan ayaa isna dhoolatuskaas ka qeybqaadanaya wuxuuna uga qeyb galaya diyaarado, maraakiib iyo waliba ciidamo kumaandoos ah.

Gaadiid iyo ciidamo dalkaan Iswiidhan dhoolatuskaas uga qeybgalaya ayaa laga daadgureeyey gobolka Skåne si ay uga qeybqaataan dhoolatuskii sanadkaan ugu weynaa oo ay gaashaanbuurta Nato ku qabaneyso dalka Polen.

Stig Henriksson oo ah afhayeenka xisbiga Vänsterparti-ga u qaabilsan dhanka gaashaandhiga ayaa canbaareeyey in dalkaan Iswiidhan uu qeyb ka noqdo dhoolatuskaas milatari ee ay gaashaanbuurta Nato sameyneyso.

  • Waxaan qabaa in arrinkaani yahay mid nasiib daro ah.Waxaan si firfircoon uga qeybqaadaneynaa dhoolatuskaas agagaarkeena ka dhacaya. Arrinkaasina khatarteeda ayuu leeyahay, ayuu yiri Stig Henriksson.

Dhoolatuskaan ka dhacaya harada Östersjön ayaa waxaa ka qeybqaadanaya 45 maraakiib dagaal ah, 60 diyaaradaha dagaalka ah iyo 6 000 oo ciidan ah.

Iswiidhan ayaa dhoolatuskaas milatari waxay uga qeybqaadan doonta ciidamo kumaandoos ah, lix diyaaradaha dagaalka ah, hal doomaha gujiska ah ee badda hoosteeda quusa , sidoo kalana waxaa dhoolatuskaas milatari ka qeybqaadanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca oo laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo boqortooyada Ingiriiska.

Wasiirka gaashaandhiga dalkaan Iswiidhan Peter Hultqvist ayaa sheegey in ciidamada dalkaan Iswiidhan ay dhoolatuskaas ku tababaranayaan, kana baranayaan siyaabaha dhibaatooyinka loo xaliyo.

  • Waxaan qabaa in ujeedka aan dhoolatuskaas uga qeyb qaadaneynaa tahay sidii aan dalkayaga u difaaci laheyn kaas oo ah dal dhexdhexaad ah, ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga dalkaan Iswiidhan Peter Hultqvist.

Wasiirka ayaa intaas ku darey in hadda dalkaan Iswiidhan uu wada shaqeyn dhow la leeyahay gaashaanbuurta Nato.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".