Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Arddeydii ugu dembeysay oo ka qalinjabisay Ross Tensta

La daabacay fredag 3 juni 2016 kl 12.24
Waalid: waa iskuul aad u tayo liita
(4:55 min)
Ross Tensta
Ardeyad-iyo-eheladeeda-u-dabaal-degaya-qalinjabinta-dugsiga-sare. sawir: Warsame Elmi

Khamiistii shalay arddeydii ugu dembeysay ayaa ka qalanjabisey iskuulka Ross Tensta Gymnasium.

Iskuulkan Ross Tensta ayaa dhaamadka xilli dugsiyeedkan albaabada layskugu dhufanayaa. Arddeyda dhigata ee weli qalinjabina iskuule kale ayaa loo wareejin doonaan marka uu bilowdo xilli dugsiyeedka soo socda.

Iskuulkan ayaa waqti dheer ka taagneyd qalaase, iyadoo marar badan ay iskuulkan ka dhaceen gacan ka hadal ay kooxo badan qeyb ka ahaayeen iyo dhiibaayooin kale oo waqti soo jeetamayey, taas oo keentay in iskuukan ugu dembeyntii albaabada layskugu dhufta inta dib u habeyn lagu sameynayo maamulkiisa.

Boqolaal waalidiin iyo qaarabo isku jira ayaa galabkii shalay soo hor dhoobtay iskuuulkan si ay ula wadaagaan ilmahooda farsaxda qalinjabinta.

Maxamed Cali Sheekh Abuukar oo wiilkiisa Cali ka mid ahaa arddeydii ka qalinjabneysay iskuulka, ayaa aad suluug uga muujiyey tayada iskuulkan Ross Tensta.

- Waxay soo aruuriyeen macallimiin aad u xun oo tayo laheyn. aad ayaa uga xumahay in ilmaheena farobadan ay iskuulkan ka baxaan iyagoon helin wax shahaado ah, ayuu Moxamed Cali Sheekh. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".