Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Gudiga dastuurka oo dhaleecaynta ka daysay dawladda

La daabacay tisdag 7 juni 2016 kl 10.24
Gudiga dastuurka: "Dawladda ayaa la raagtay sharciga ilaalista xuduudaha"
(1:49 min)
Gudiga dastuurka ee Iswiidhan.
Arkiv foto, Konstitutionsutskottet (KU), sawir: Sveriges Radio

Gudiga dastuurka oo baadhitaan ka sameeyay si ay dawladdu u xallisay qaxootiga faraha badan, ayaan wax dhaleecayn ah u gudbin dawladda Iswiidhan. Inta qudha ay dawladda ku haystaan ayaa ah in ay la raageen sharciga sheegaya in xuduudaha waddanka la ilaaliyo.

Gudigan ayaa muddo gaadhaysa dhowr bilood baadhaysay 40 ashkatooyin oo ka yimid xisbiyadda mucaaradka ee lugu magacaabo Alliansen. Xisbiyaddan ayaa dhaleecaynaya dawladda waddanka iyo sida ay u xalliyeen qaxootiga faraha badan ee waddanka soo gaadhay.

Galabta ayuu gudiga dastuurka shaacinaya baadhitaankan oo dhameystitran, hasayeeshe ayey warbixin soo gaadhay l´aanta Ekot sheegaysa in gudigani dhaleecaynta ka dhaafay dawladda.

Gudigan ayaa u jeeda in ay dawladdu markii ay xaaladu ugu atkeeyd dayrtii hore hawshoodi ka soo baxeen madama ay xidhiidh wanaagsan la haysteen heeyadaha waddanka, waa sida uu baadhitaanka maanta la shaacin doono sheegayo.

Hasayeeshe ayey dawladda hal shay ku haystaan, in ay la rageen sharciga sheegaya in xuduudaha waddanka la ilaaliyo. Gudigan ayaa u jeeda in ay dawladdu hal todobaad ka hor markii ay go´aanka sheegaya in xuduudaha la ilaaliyo qaadeen, u diyaar ahaayeen in ay sharcigan dhabeeyaan.

Sido kale in xidhiidhkii ka dhaxeeyay dawladda iyo heeyada socdaalka markii ay xaaladu ugu atkeeyd laga hayn caddeyn.

Gudiga dastuurka ayaan doonayn in ay midnaba dawladda amba dawladdi hore ee alliansen ku dhaleecayaan si ay qaxootiga u xalliyeen. Arrinkan ayey xisbiga Sverigedemokraterna ka soo hor jeedaan.

Dawladda ayaa heyadda xisaab hubinta qaranka ,Riksrevisionen, ku magacaabtay in ay sii baadhan hadii u gudigani si sax ah wax u baadhay. 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".