Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dawladda oo doonaysa in ay dib u eegis ku sameeyso socdaalka

La daabacay tisdag 7 juni 2016 kl 11.34
Ygeman: "Wey sahlan tahay in gadaal laga ogaado khaladaadka"
(1:40 min)
Sawirle: Henrik Montgomery/TT
Sawirle: Henrik Montgomery/TT

Dawladda waddanka hogaamisa ayaa doonaysa in ay dib ugu laabato dabeetana baadho sida ay hawsha uga soo baxeen markii ay qaxootiga faraha badani waddanka timid dayrtii hore, 2015:kii.

Gudrun Antemar ayaa noqonaysa baadhaha ay dowladdu u xilsaartay arrinkan. Sidaas ayuu dhowaan wasiirka arrimaha gudaha, Anders Ygeman, ka sheegay shir saxaafadeed.

Anders Ygeman ayaa u jeeda in ay dawladdu intii ay kari kaysay sameeysay markii ay xaaladu ugu atkeeyd dayrtii hore.

Wuxuu sheegay in u fikirka la qeeybsaneeyn dadka dhaleecaynaya dawladda, madama ay sahlanaan karto in gadaal laga ogaado khaladaadka waagaas la galay. Ygeman ayaa ku qanacsan hawlihii ay dawladdu qabatay sannadkii hore, tusaalahan in ay bilaabeen ilaalista xuduudaha iyo kontoroolada aqoonsiga.

-10 000 oo qof ayaa waagas todobaad kasta Iswiidhan sharci ka codsan jiray. Hadii ay dawladdu islamarkiiba tallaabo ka hor tag ah qaadi laheeyn, waxaanu tusaalahan magaalada Malmö ku haysan laheeyn kumaankum qaxooti oo aan haysan meel ay seexdaan, ayuu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, Anders Ygeman. 

Galabta ayuu gudiga dastuurka shaacinaya baadhitaan ku saabsan sida ay dawladdu hawshoodi uga soo baxeen dayrtii hore.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".