Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Jawaabo aan badnayn ayuu maxkamadda ka bixiyay

La daabacay tisdag 7 juni 2016 kl 16.30
Waa dacwaddii ugu ballaarnayd Göteborg abid
(3:55 min)
Vår krog och bar-rättegången 2
sawir: Josipa Kesic

Caddeeymaha lagu hayo ee teknikada ayaa aad u badan, halka su’aalaha ey ka gaabsdeen in laga jawaabo. Dilkii laga geeystey maqaaxi ku taala xaafadda Biskopsgården oo dhacda magaalada Göteborg bishii maarso ee sannadkii ina dhaafay.

Caddeeymaha lagu hayo ee teknikada ayaa aad u badan, halka su’aalaha ey ka gaabsdeen in laga jawaabo. Dilkii laga geeystey maqaaxi ku taala xaafadda Biskopsgården oo dhacda magaalada Göteborg bishii maarso ee sannadkii ina dhaafay.

Iskuulka ma wada dhigan jirteen, ayuu xeer-ilaaliye Niklas Högdén waydiiyay mid ka mid raggii falkaasi lagu tuhun-sanaa.

– Wuxuu ahaa wiil aannu yaraanteenii isla soo korney. Jawaabtuna intaa un bay noqon. Sii wad su’aalaha.

Iskuul miyaad wada dhigan jirteen ayaan ku waydiiyay, ayuu ku celiyay xeer-ilaaliye, Niklas Högdén.

– Ha iskuul ayaan wada dhigan jirney.

Iskuulkee?

– Intaa ku filan. Waan kuu sheegay inaan meel ku soo wada korney. Su’aasha xigta i waydii, ayuu ku jawaabay eedeeysanihii.

Su’aalaha anaa ku waydiinaya, ayuu yiri xeer-ilaaliye Niklas Högdén

– Aniguna ma doonaayo inaan ka jawaabo. Ereyadaa ayaa la isku dhaafsadey maxkamadda.

Wuxuu ahaa wiil dhalin-yar oo iska caabinaayay su’aalihii xeer-ilaaliyuhu ku cusleeynayay iyo falkii dilka ee ka dhacay magaalada Göteborg, xaafadda Biskopsgården maarso 2015.

Iyadoona maqaaxi lagu diley laba nin, qaar kalena lagu dhaawacay oo ey ka dambeeyeen laba ruux oo maqaayadda la soo galey banaadiiq oo xabbad oodda uga qaadey.

Waa fal dacwad lagu soo oogey iyo iney ka dhexeeysay laba koox waxan afka iswiidhishka lagu yiraahdo ”kriminella gäng”.

Inanka la wareeysaneyo gadaashiisa ayey ku sugnaayeen dhallin-yaro ey isla soo koreen, laguna eedeeyey iney si wada-jir ah u diyaariyeen, ugana dambeeyeen dilalkaa.

Sven Alhbin, horayna u ahaan jiray madaxa laanta dembi-baarista ee magaalada Göteborg ayaa sheegay inuu jawaabnihiisa uu ku difaacayay saaxiibbadii.

– Waxay u muuqataa inuu yahay wiil horay wax u sheegay mar culeeys su’aalo horay loogu cusleeyay, iminkana doonaya inuu dib ula laabto. Lagana yaabee inuu ka cabsi qabo iney horay ereyo uga baxsadeen. Waana mid loo fadhiyo, sida uu sheegay Sven Alhbin.

Halka caddeeymaha lagu hayo ee xeer-ilaaliyuhu soo ban-dhigay ee teknikadu yihiin kuwo culus.

Waa caddeeymmo la xiriira gawaari, mobaaylo la isticmaaley, saamiga dheecaanka ee DNA iyo alaabooyin kale oo laga heley goobo kala duwan oo qiime ugu fadhiya baaritaanka iyo wiilasha dacwadda lagu soo oogey, sida uu xeer-ilaaliyuhu sheegay.

Baarista fal-dembiyeedka ayaa ah middii ugu ballaarnayd ee taariikhda magaalada Göteborg. Hase yeeshee uu xeer-ilaaliyuhu ku guuleey-san waayay inuu soo ban-dhigo ciddii banaadiiqda gacanta ku haysay ee toogashada geeysatey.

Dhammaan sideedda ruux ee dacwadda lagu soo oogey ayaa iska dheereeyey eedeeymaha. Sidaa-daraadeed ayaanay u caddeeyn sababta falalkaa dembiyeed loo geeystey. Halka aannu xeer-ilaaliye Niklas Högdén ku guuleey-san jawaabo badan in la siiyo.

– Dhacdooyinkan ma xasuusto, sida uu sheegay mid ka mid ah wiilashii dacwadda lagu soo oogey.

Ma xasuusatid inaad gaari raacday oo ciidanka ammaanku ku joojiyeen. Waa tallaabo aan caadi ahayn, ayuu raaciyay xeer-ilaaliye Niklas Högdén.

– May, xaqiiqdii waa fal caadiyan dhaca, ayuu jawaab ku bixiyay wiilkiina.

Isha/ Ekot

                                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".