Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Schlyter iyo Mutt oo booskoodii laga qaaday

La daabacay onsdag 8 juni 2016 kl 10.04
Carl Schlyter: "Boqolkii ba boqol waa in go'aan kasta dawladda lugu taageero"
(3:07 min)
Valter Mutt och Carl Schlyter.
Valter Mutt och Carl Schlyter. sawir: TT

Mushkiladooyinkii xisbiga Miljöpartiet ayaa sii socda. Shalay, salaasadii ayuu hogaanka sare ee xisbigani go´aamiyay in gudoomiyaha gudiga EU, Carl Schlyter, laga saaro booskiisa dabeetana lugu bedelo hogaamiyihii hore ee Miljöpartiet, Åsa Romson. Sido kale ayaa afhayeenka arrimaha dibada, Valter Mutt laga qaaday booskiisi. Pernilla Ståhlhammar ayaa bedelaysa.

-Waan ka xumahay arrinkan, weligeey isma laheeyn in aan tallabo dib u qaadanayno. Wexey noqotay in dawladda boqolkii ba boqol lugu tageero go´aan kasta, hadi kale booska ayaa laga qaadaya, ayuu sheegay Carl Schlyter mar u wareeysi la galay l´aanta Ekot.

Schlyter ayaa sheegay in aanu war ka hayn sababta isaga iyo Valter Mutt boskoodi looga qaaday. Jawaabta u xisbiga ka helay ayaa ah in aaney si wadi karin shaqada ay hadda u hayaan xisbigan, hasayeeshe uu go´aanku ka dhalan in ay shaqadoodi ka soo baxi waayeen.

-Sababta ay shaqada nooga qaadeen ayaa ah in aanu dhowr jeer dhalecaynay qaar ka mid ah go´aanada ka yimid dawladda uu xisbigeenu taageeray. Tusaalahan in aanu ka soo horjeedno heshiiska ay dawladdu la gashay gashanbuurta Nato ee u jeeda in ay Iswiidhan kordhiso wadashaqeeynta Nato, ayuu sheegay Carl Schlyter.

Valter Mutt ayaa fikirkan la qeeybsanaya Schlyter.

-Waxaan khaasatan ka welwelsanahay horumarka xibigan laga arkii doono mustaqbalka. Hadda waxaa ii cadaatay in ay Miljöpartiet madama ay ka mid yihiin dawladda ogolayn in la dhaleecayo go´aanada qaar. Tusaalahan in aanu ka soo horjeedno heshiiska ay dawladdu la gashay gashanbuurta Nato. Xisbigeenu weligii uma doodin in dagaal iyo hub wax lugu helo. Sababta loo asaasay Miljöpartiet ayaa aheeyd in aanu bilaabno dhaq-dhaqaaq nabadgeliyo, ayuu sheegay Valter Mutt.

Hogaanka sare ee xisbigan ayaa u jeeda in sababta Mutt iyo Schlyter shaqada looga qaaday tahay in u xisbigani ka dib abaabulidi dawladda bishii hore, doonayo in dib loo dhiso qeeybo ka mid ah barlamaanka, khaasatan hawlaha ay xildhdhibaanada qaari halkaas ku hayaan.

Go´aankan ayey qaar ka mid ah xildhibaanada xisbigani ka soo horjeedaan. Afhayeenka arrimaha waxbarashada, Jabar Amin iyo Annika Lillemets, afhayeenka kor u qaadida wacyiga bulshadda, ayaa sheegay in ay booskoodi ka tageen.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".