Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Saadaalintii suuqa shaqada ee xilliga Gu’ga

La daabacay onsdag 8 juni 2016 kl 11.52
Xalka baahi badan wuxuu ku jiraa ajaaniibta
(2:36 min)
Arbetslös person söker jobb vid dator på Arbetsförmedlingen.
sawir: Jessica Gow/TT

Baahida loo qabo shaqaale xirfad leh ayaa hor istaagta kobaca dhaqaale ee dalka iyo suuqa shaqada oo aan kor u kicin. Digniintan ayaana ka timid xafiiska shaqada oo maanta soo saaray saadlintii xilliga guga ee suuqa shaqada.

Iyadoona shaqale xirfad leh loo la’yahey goobaha shaqaalaha dawladdu ka howl-galaan iyo kuwa hantida gaar ah loo leeyahay.

– Kobicii suuqa shaqada ee la filayey ayuu hakad geli doonaa sannadka 2017. Middaasina oo hor-seedi doonta inaan la gaarin heerkii awoodda karaankayaga, sida uu sheegay agaasimaha guud ee xafiiska shaqada Mikael Sjöberg.

Saadaalinta xafiiska shaqada ayaa ku saleey-san in baahida loo qabo shaqaale ay hor-seedi doonto inuu kobacu istaago sannadaha 2017 iyo 2018, middaasina oo sabab u noqota abuurka shaqaalaha oo istaaga.

Xafiisyada dawladda ayaa baahi looga qabaa macallimmiin iyo shaqaalaha ka howl-gala goobaha dar-yeelka caafimaadka.

Halka kolka laga hadleyo goobaha shaqada ee mulkida loo leeyahey looga baahan yahay xirfado ey ka mid yihiin tekniishan, injineerro iyo shaqaalaha dhismooyinka.

– Degmooyinka iyo hayad-goboleedyada ayey soo wejihi doonaan howlo culus. Maamullada iskuullada ayaa u baahan iney hab kale u fekeraan oo ey howl-geliyaan gacan-yareyaal macallimmiin ee gacan ka siinaya howlahooda. Halka goobaha shaqada ee mulkida loo leeyahey looga baahan yahay iney aragtidooda ballaariyaan, kolka laga hadleyo shaqaaleeynta. Xirfadleeyda baahi loo qabo ayey dhanka kale dalka ku sugan yihiin dadyoow badan ee asal ahaan ka soo jeeda ama ku dhashay, waddammada ka bax-san Yurub. Waana halka baahi badan lagu dabooli karo, sida uu sheegay Mikael Sjöberg.

Isha/ Ekot

                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".