Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Da'da dhalaanka kelinamada ku yimaada oo layska qiyaaso

La daabacay onsdag 8 juni 2016 kl 12.11
"Waxaan jira 20 sanno laakiin waxaan isku-dhiibay ka yar 18 sanno"
(6:03 min)
Flyktingboende för ensamkommande barn. Foto: Jessica Gow / TT
Xarun la dejiyo dhalaanka kelinimada waddanka ku yimaada . Foto: Jessica Gow / TT

Shaqaalaha hey’adda socdaalka ayey hubaal la’aan ka heysataa qiimeynta da’da ay jiraan dhalaanka kelinimada Sweden ku yimaada.

 Warbaxin hey’adda guddaheeda laga sameeyey ayey shaqaaalaha hey’adda ka marqaati kacayaan in gacan-yarayaasha iyo xaafisyada kala-duwan ee hey’adda siyaabo kala-duwan u qiimeeyaan da'da dhalaanka kelinimada ku yimaada, taas oo lagu tilmaamey in ay qatar ku tahay dhowrista sharciga.

Warbaxintan oo ah mid lagu cabirayo tayada hey’adda gudaheeda soona baxday gu’gii hore ayey shaqaalaha hey’adda socdaalka ee ka howl-gala xaruumaheeda kalo ah Stockholm, Malmö, Göteborg ka warbaxinyeen sida ay sameeyaan marka qiimeynayaan ruuxa magangeliyo doonka ah in uu carruur yahay iyo in kale.

Warbaxinta ayaa lagu eegay kiisas magangeliyo oo la diiwaan-geliyey dayrtii la soo dhaafay markas oo waddanka iska-dhiibeen kumanaan dhalaan ah oo kaligood socda.

Warbaxinta ayaa ku sheegtay qaabka loo qiimeeyo da’da dhalaanka waddanka iska-dhiiba mid u dhiganta khamaar oo kale, tas oo qatar ku ah dhowrista sharciga maadaama carruurta iyo qaan-gaar siyaabo kale-duwan loo qiimeeyo dalabkooda magangeliyo, saameyna ay ku yeelato fursadooda ah joogista waddanka:

Qaanuun ahaan waxay tahay in hey’adda Migrationsverket u diiwaan-geliso ruuxa magangeliyo doonka ah da’da uu sheegto marka ugu horeysa ee uu waddanka iska-dhiibayo. Balse taas waxaa ka reeban ruuxa ay caddahay qaan-gaar in uu yahay. Laakiin waxaa jirin wax lagu cabiro waxa laga wado ”ay caddahay  qaan-gaar in uu yahay”, sida tan ayuu mid ka mid ah howl-wadeenada hey’adda ku qoray mejl dayrtii hore.

Sannadkii ugu dembeeyey Sweden waxaa iska-dhiibtay laga diiwan-geliyey in yahiin dhalaan keligood socda 40 000 oo qof. Waa tiro aad uga badan marka loo barbar-dhigo EU inteeda kale. Dhalaankan waddanka iska-dhiibay ayaa intood badan waddan wax aqoonsi ah.

Dhalaankan marka ay waddanka isk-dhiibaan horey ayey iskuul ka bilaaban, waxaa la dejiyaa ka wanaagsan marka loo barbar-dhigo kuwo la dejiyo dadka qaan-gaarka ah ee waddanka isk-dhiiba, farsadahooda ah in ay waddanka dganaansho ka helaana way ka badan tahay.

Dhalaanka kelinimada ku yimaada Sweden waxaa bulshada uga baxa qarash labo jirbaan ka badan midka ku baxa ruuxa qaan-gaarka ah. Marka la fiiriyo qarashka ku baxa hoyga ayey u dhaxeysaa 600 000 oo karoon sannadkii iyo qofkii.

Laanta wararka ee Ekot ayaa la kulantay qaar ka mid ah dadka qaan-gaarka ah ee waddankan iska-dhiibay in ay yahiinda’yar si ay sahal ku helaan magangeliyo. Midka ka mid ah Dawood laakiin magaciisa dhabta ah waa si kale, maadaame arrintan uu ka sheekeyey tahay mid xasaasiyad leh. Dawood sawirka uu heysta markuu is-dhiibayey waxay tahay in dadka oo dhan sidaan sameeyaan.

– Da’deyda saxda ah waa 20 jir laakiin waxaan isku-dhiibay in aan ka yarahay 18 sanno. Hadaan sheegi lahaa in aan qaan-gaar ahay markaa waddanka waa layga tarxiili lahaa. Dabcan qofka waxuu fiirinayaa waxa u roon iyo fursadah uu heysto. Xaqiiqada waa sidas, waxaad qofka dalbanayaa in uu ka yaryhay 18 sanno, ayuu yeri.

Mikael Ribbenvik, madaxa howlaha Migrationsverket, waxuu farta ku fiiqay in hey’adda ay sannadkii hore howlaha ku bateen maadaama waddanka qaxooti aad u faro badan isk-dhiibeen.

– Nidamka magangeliyada sannadkii hore waxuu qaabilay dad aad u tiro badan oo magngeliyo u baahan. Mararka qaar baahida magangeliyo waa iskumid haddii ruuxa yahay 18 ama 19 sanno jir. Si aysan u dhumin kalsoonida ay buslahda ku qabto nidaamka waa muhim in aan dhowrno nidaamkan, ayuu yeri.

Waxuu raaciyey howl-wadeenada hey’adda in ay ku qasbanaadeen in ay ku sameeyaan da’da dhalaanka kinimada ku yimaada qiimeyn khiyaas ah.

– Masuuliyad weyn ayaa naga saraan sharciga in aan adeegsano waxaan aadeegsanaa sharcuuda ka jira Sweden. Waddankena kama jirto ruux si sax ah u cayimi kara da’da ruux kale, xataa hadii la adeegsado sancooyinka dawo wey adagtahay in la cayimo da’da saxda ah ee ruux, balse waxaa la sameyn karaa qiimeyn khiyaas ah, ayuu yeri.

Dhawaan ayey aheyd markii labo nin oo da’ yar isku-dhiibay ay kufsi u geysteen wiil 12 sanno jir ah oo asna deganaan xarun lagu dejiyo dhalaanka kelinimada ku yimaada, tana waxay marqaati u tahay saameyn ay yeelan karto sida loo qiimeyo da’da.  

– Mawqifkeean waa cadyaahy, ma ahn in laysla dejiyo qaan-gaar iyo carruur, ayuu yeri Mikael Ribbenvik.

Markii hey’adda Migrationsverket damacday in ay howl-geliso dhaqaatiir sameeya qiimeyn dawo oo lagu ogaanyo dada dhalaanka kelinimada isku-dhiiba, waxaa diiday dhaqtaradii iyo hosbitaaladii.

– Waa jira cabsi laga qabo in arrinkan la faro gashado.

Maxaa u sabab ah mar hadii ay waddamada kale arrintan u shaqeyso, ayaa la weydiiyey Ribbenvik.

– Way igu adagtahay in aan anniga khiyaaso waxay cabsida tahay. Balse waxaa jiray diidmo xoog leh oo ka timid ururka dhaqaatiirta carruurta oo arrintan u arkay mid aan soconeynin. Annagana ma heyno awooddii xirfadeed oo aan ku sameyno qiimeyn cilmiyeysan balse waxaan howl-gali karnaa keliya qalabka aan heysano oo ah in aan sameyno khiyaa, ayuu yeri.

Tirada dhalaanka kelinimad iskaga dhiibay Sweden wey ka badantahay marka loo barbar-dhigo waddamada kale ee EU. Soo ma ahan arrin adinka iyo siyaasiinta ay tahay in aad ka firkirtiin waxa u sababay?

– Hadii laysku barbar-dhigo Ingriiska, Norwey iyo Sweden, waxaa arkeysaa farqi weyn oo u dhaxeeya dalakan. Norwey iyo Ingriiska waa hore ayey hirgeliyeen baaritaano raajo oo lagu ogaanayo da’da dhalaankan kelinada isku dhiiba, taasna waxay keentay in ay hoos aad ugu dhacaan dhalaanka keligood socda ee iska-dhiiba, laakiin Sweden sidaas ma sameynin taas oo keentay in ay aad u kor-dhaan dhalaanka kelinimada isku-dhiiba, auu yeri Mikael Ribbenvik oo ah maxda howlaha hey’adda socdaalka Migrationsverket.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".