Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Säpo oo diwaangelinaysa dadka taageera ururada argagaxisada

La daabacay torsdag 9 juni 2016 kl 10.08
Ka hor taga argagaxisada
(1:27 min)
Säkerhetspolisen, Säpo
Säpo utreder misstänkt terrorhot riktat mot Stockholm sawir: Tomas Oneborg/SvD/TT

Ciidamada sirdoonka Iswiidhan, säpo, ayaa doonaysa in ay diwaangeliso dadka internetka ku taageera ururada argagaxisada.

Arrinkan ayey heeyada Datainspektionen hadda baadhaysa in ay macquul tahay marka loo eego sharciga waddanka u yaala.

Dhowr cilmibaadhe ayaa diwaangelintan u arka sharci- darro, madama uu saameeyn karo dadweynaha aan dembiga gelin oo la daba geli doono.

-Ciidamada sirdoonka ayaan hubin in uu hindisahani macquul yahay marka loo eego sharciga waddanka u yaala, sidaas daraadeed ayey doonayaan in aanu arrinkan hadda baadhno, ayey sheegtay Cecilia Agnehall oo ka hawlgasha heeyada Datainspektionen.

Dawladda ayaa cidaamada sirdoonka lacag gaadhaysa hal bilyan ku maalgelisay si ay uga hor tagaan argagaxisada, boqolkii ba 34 lacagtan ayey heeyadani isticmaashay sannadkii hore , halkey sannadkii ka horeeyay, 2014, isticmaashay boqlkii ba 28 keliya.

300. Waa tirada ay cidaamada sirdoonku aaminsantahay in ay waddanka ka baxeen si ay ula garab dagaalamaan ururka argagaxisada ee Daacesh. Sidaas daraadeed ayey heeyadani hadda ku talo jirtaa in ay daba gasho dadka internetka ku taageera amba fikirka Daacesh aaminsan. Tusaalahan ayey dhowr bilood ka hor codsatay in la siiyo ogolaasho si ay uga qeeyb qaatan saldhiga kombiyuuterka ee heeyada socdaalka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".