Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

50 jir lugu tuhunsanyahay in u dab qabsiyay dhowr guri

La daabacay torsdag 9 juni 2016 kl 12.22
Xalay iyo saaka
(1:00 min)
Två polisbilar och poliser framför ett hyreshus
Polisbilar utanför ett av ställena där det brann idag. sawir: Adam Ihse/TT

Booliska ayaa saaka 50 jir ku qabatay magaalada Göteborg. Ninkan ayaa lugu tuhunsanyahay in u dab qabsiyay dhowr dhismood oo kala duwan xalay iyo saaka. Booliska ayaa aaminsan in uu ninkani argoosi awgeed dembigan u galay.

Tiro gaadhsiisan lix guri ayuu dab qabsiyay, waa sida uu booliska magaaladani u sheegay. Sido kale xafiiska caydha ee magaaladan ku yaala.

Saddex qof, halku middi yahay nin ka hawglaga kooxda dabdemiska, ayaa ku dhaawacmay dhacdodan.

Sababta u 50 jirku guryahan dabka u qabsiiyay ayaa ah khilaaf isaga iyo shirkada guryaha kireeysa, Familjebostäder, ka dhaxeeysa, halkeey shirkadani go´aamisay in uu guriga ka baxo.

Shan ka mid ah lixda guri uu dabka qabsiyay ayey dad shirkadan ka socda deganayeen.

Booliska ayaa dhacdodan cinwaan ugu dhigay dab khatar ah oo meel la qabsiiyey, si dad loo dilo.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".