Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Jenny Rissveds oo billad dahab ah ku guuleeysatay

La daabacay lördag 20 augusti 2016 kl 19.57
Jenny Rissveds.
Jenny Rissveds. sawir: TT.

Ciyaar-yahannadda tartanka baaskiillada Sweden ee Jenny Rissved ayaa ku guuleeysatay biladdadahabka ee ciyaaraha Olompikada e kaa socda dalka Braasii.

Muddadii la isku diyaarinayey ciyaarahaOlompikada ayay silsiladda baaskiilku ka furantay, hase yeeshee ay markiiba dibugu xirtay oo halkeedii ka sii wadday gabadha ka socotay Sweden magaaladeedaFalu, iyada oo cabbaar orod tartankak u gashay.

– Waxaan un ku fekeray Jin aanan is dhiibin.Neef ayaan qaatay oo halkaygii ka sii waday, sida ay sheegtay Rissved oo uwarramaysay laanta ciyaaraha ee idaacadda Sweden - Radiosporten.

Rissved ayaamuddo ey is-garab socdeen ciyaar-yahannada baaskiilka ee ka socotay dalkaPoolan, hase yeeshee ka dhaqaajisay wareeggii ugu dambeeyay, iyadoona wareeggaadambe salaan la dhex qaaddey bulshadii tartanka daawaneeysay.

– Waxaa ii suurta-geliyay aniga oodareemayey inuu tartanka maanta iyo tababbarradii beryahan ee ka horeeyeybaahaayeen kuwo farxad leh, sida ay sheegtay Rissved.

Biladda dahabka ee gabadhani u soo hoyisay ayaa ah midii ugu horreeysay ee tartankabaaskiillada wixii ka dambeeyay sannadkii 1976 oo billad noocaasi ah kuguuleeysatay BerndtJohansson.

Isha/Radiosporten

                                                                kenadid.mohamed@sr.se


Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".