Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

20, 50 iyo 1000-ka kr oo badalashadooda barri u danbeeyso

La daabacay tisdag 30 augusti 2016 kl 10.17
Lacagaha 20-ka,50-ka iyo 1000-ka kr oo badalashadooda barri u danbeyso
(1:17 min)
Femtio- och tusenkronorssedlarna tar ur bruk. Montage: Sveriges Radio. Foto:TT
Lacagaha isticmaalkoodii dhammaaday. Sawirqaabeyn: Sveriges Radio. Sawirle:TT

Maalinta biritto oo bisha Ogoosto tahay 31  ayaa waxaa ugu danbeysa xilligii loo badali lahaa dadka heysta lacagaha waraaqaha ah ee 20-ka karoon, tan 50-ka karoon iyo tan 1000-ka karoon, xilligaas wixii ka danbeeyana waxay lacagahaasi noqonayaan kuwa aan qiimo laheyn.

Bangiga dhexe ee dalkaan Iswiidhan ayaa sheegey in ay jiraan lacago badan oo saddexdaas waraaqo lacageed ah oo aysan dadka heystaa wali badalan, waxay ilaa barrito fursad u heystaan in ay lacagahaas badashaan ama koontadooda bangi ku shubtaan.

Christina Wejshammar oo madax waaxeed ka ah bangiga dhexe ee dalkaan Iswiidhan ayaa sheegtey:

  • Haddii uu jiro qof lacagahaas 20-ka karoon, 50-ka karoon, iyo 1000-ka karoon guriga ku heysta, waa in ay bangiyada geeyaan ama ay koontadooda ku shubtaan ugu danbeyn ilaa barrito oo bisha ogoosto ay 31 tahay, ayey tiri Christina Wejshammar oo madax waaxeed ka ah bangiga dhexe ee dalkaan Iswiidhan.

Bisha oktoobar ee soo socota ayaa waxaa dalkaan Iswiidhan lagu faafin doonaa lacago waraaqeed oo cusub kuwaas oo kala ah 100-ka karoon iyo 500 oo karoon, waxaa sidoo kale isla xilligaas suuqa soo gali doono lacago qadaadiic ah oo kala ah 1-ka karoon , 2-da karoon iyo 5-ta karoon, lacagaha kuwaas u dhigma ee hadda suuqa ku jiraana waxay qiima beeli doonaan taariikhdu marka ay tahay 30 juun ee sanadka 2017-ka.

 

 


Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".