Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hoos u dhac ku yimid dadka xisbiyada xubnaha ka noqonaya

La daabacay tisdag 30 augusti 2016 kl 11.59
Hoos u dhac ku yimid dadka xisbiyada dalkaan xubnaha ka noqonaya
(1:06 min)
6 из 8-ми партий шведского Риксдага договорились
Hogaamiyayaasha xisbiyada. Foto: Henrik Montgomery / TT

Waxaa dalkaan Iswiidhan aad hoos ugu dhacey dadka xisbiyada dalkaan xubnaha ka noqonaya taas oo raad weyn ku yeelatey dakhliga dhaqaale ee xisbiyadaas soo gala.

Lacagaha ay dadka xisbiyada xubnaha ka ahi siiyaan xisbiyada ay ka tirsan yihiin ayaa wadar ahaan boqolkiiba saddex oo kaliya daboosha kharashaadka ku baxa xisbiyada dalkaan ee xubnaha ku leh baarlamaanka dalkaan Iswiidhan , sidaasna waxaa lagu muujiyey baaritaano ay sameeysey waaxda wararka talefishinka dalkaan Iswiidhan.

Magnus Hagevi oo ah bare cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Lund ayaa sheegey :

  • Xilliyaddii hore kharashka xisbiyada waxaa badanaa dabooli jirey lacagaha ay xisbigaas taageerayaashiisu siiyaan, sidaas daraadeed ayey baryahaas waxay xisbiyadu ku dadaali jiraan in ay xisbigooda u soo dumaan dad badan oo xubno ka noqda, ayuu yiri Magnus Hagevi oo ah bare cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Lund.

Dhaqaalaha xisbiyada ayaa hadda si xoog leh waxay ugu tiirsan yihiin canshuurta dadweynaha dalkaan laga qaado taas oo daboosha boqolkiiba 70 ilaa iyo 80 kharashaadka ku baxa xisbiyada dalkaan ee xubnaha ku leh baarlamaanka dalkaan Iswiidhan.

Sanadkii hore ayey xisbiyadaasi miisaaniyadda dalkaan waxay ka heleen lacag dhan 758 malyan oo karoon.

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".