Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Macchiarini oo dusha loo saarey dhimashada dad uu ku qaley Karolinska sjukhuset

La daabacay onsdag 31 augusti 2016 kl 10.43
Macciarini oo dusha loo saarey dhimashada dad uu qaley
(0:57 min)
Karolinska Institutet.
Karolinska Institutet. sawir: Maja Suslin/TT

Baaritaano iyo dabagal maanta la soo bandhigey laguna sameeyey takhtar dalka talyaaniga u dhashey oo lagu magacaabo Paolo Macchiarini kaas oo qaliimo uu machadka Karolinska ee dalkaan Iswiidhan ka sameeyey ay sababeen dhimasho, ayaa sababaha dadkaasi u dhinteen dusha ka saartey takhtarka dadkaas qaley.

Baaritaankaan oo uu hormood ka ahaa Kjell Asplund oo isagu ah bare cilmiga takhtarnimada ka dhiga jaamacadda Emeritus isla markaasna ah madaxa golaha sare ee dalkaan Iswiidhan u qaabilsan anshaxa daaweynta, ayaa sheegey in ninkaani sumcad xumo weyn u soo jiidey rugaha cilmi baarista caafimaadka dalkaan Iswiidhan.

Baaritaankaan ayaa sidoo kale waxaa dhaliilo xoog leh loogu soo jeediyey hey’adihii ninkaas shaqaaleysiiyey.

Takhtarkaan qaliinka ee dalka talyaaniga u dhashey Paolo Macciarini ayaa takhtar ahaan intii muddo ah wuxuu uga hawlgalayey isbitaalka jaamacadda Karolinska.

Ninkaan ayaa isbitaalkaas saddex qof neef mareenka uga qaley, laba qof oo dadkaas ka mid ahina wey dhinteen meesha kan saddexaad dhaawiciisa lagu daaweynayo ilaa hadda dalka Mareykanka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".