Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bangiga qaranka oo aan wax ka bedelin ribada

La cusbooneeyay onsdag 7 september 2016 kl 10.42
La daabacay onsdag 7 september 2016 kl 10.29
Sawir la sanceeyey. Madaxa bangiga qaranka Stefan Ingves iyoiyo lacag waraaqo ah.
Sawir la sanceeyey. Madaxa bangiga qaranka Stefan Ingves iyoiyo lacag waraaqo ah. sawir: Sawirle: Izabelle Nordfjell/TT, Christine Olsson/TT.

Nidaamka ribada ugu muhiimsan oo aan wax is-bedel ah lagu sameeyn taaganna miinus 0,5 boqolkiiba

Tallaabadan ayaa u dhiganta middii la saadaalinayay. Goolkii sicir-bararka 2% ayaa weli meel aan dhowayn ka muuqda inkastoo ay jirto xaaladda in sicir-barar aan la filayn oo degdeg ah uu jiray intii lagu guda jiray kuleeylihii.

"Sicir-bararka ayaa kor u socda, halka xaaladda dhaqaale ee dalku ku sugan yahayna ay tahay mid sarreeysa. Welwelka dhaqaale ee caalamkuna weli sarreeyo, inkastoo aaney waxba iska bedelin is-bedbedelka dhaqaale iyo sicir-bararkuba wixii ka dambeeyay bishii luulyo. Si haddaba halkiisa looga sii wado kor u kaca sicir-bararka ayaa loo baahan yahay siyaasad dhaqaale oo suurtagelisa." Sida qoraal saxaafadeed kaga soo baxday hoggaanka bangiga qaranka

Bangiga qaranka ayaa haddaba sideedii u daayay heerka ribada, hase yeeshee la fileyaa ugu horreeyn nuska dambe ee sannadka 2017 in ribada kor loo qaado. Ribada ayaa la rajeeyneyaa inay gaarto heerka eber inta lagu guda jiro sannadka 2018.

Isha/ Ekot.

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".