Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkadda Telia oo laga rabo lacago balaayiin ah oo lagu ganaaxey

La daabacay torsdag 15 september 2016 kl 10.14
Shirkadda Telia oo laga rabo lacag balaayiin ah oo lagu ganaaxey
(1:01 min)
Summadda Telia Sonera.
Summadda Telia Sonera. sawir: FREDRIK SANDBERG / TT

Hey’ado ka hawlgala dalalka Mareykanka iyo Holland ayaa shirkadda Telia oo laga leeyahay dalkaan Iswiidhan raba in ay bixiso lacago ganaax ah oo dhan 12 bilyan oo karoon taas oo ay ku muteysatey lacago laaluush ah oo ay ku bixisey si ay awood ugu yeelato suuqa talefoonada iyo isgaarsiinta dalka Uzbakistan.

Laga soo bilaabo sanadkii 2014-kii ayaa Mareykanka iyo Holland waxay baaritaano ku wadeen lacago la isdabamariyey oo ay shirkaddii horey loo oran jirey Telia Soneras u xawishey dalka Uzbakistan sanadkii 2007-dii.

Madaxa shirkadda Telia Johan Dennelind ayaa isagoo arrinkaan ka faaloonaya wuxuu sheegey:

  • Qalad ayey aheyd habkii xilligaas loo galey dalka Uzbakistan ,dareenka ugu horeeya oo aan arrinkaas ka bixineynaana waa in lacagtaas ganaaxa ahi tahay mid aad iyo aad u farabadan, ayuu yiri madaxa shirkadda Telia Johan Dennelind.

Johan Dennelind ayaa intaas ku darey in ay arrinkaas darsayaan, ayna ka fakarayaan sidii shirkaddu horey ugu sii talaabsan laheyd.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".