Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Isqabqabsigii iyo khilaafaadkii xisbiga Libaraal-ka oo sii socota

La daabacay torsdag 15 september 2016 kl 10.19
Isqabqabsigii xisbiga Libaraalka oo wali sii socota
(1:00 min)
 Gunnar Nordmark, o ka tir-san xisbiga Liberalerna.
Gunnar Nordmark, o ka tir-san xisbiga Liberalerna. sawir: Sawirle: FREDRIK PERSSON

Waxaa wali sii socota isqabqabsigii ka taagnaa hogaanka xisbiga Libaraal-ka dalkaan Iswiidhan ka dib markii Birgitta Ohlsson oo ah xubin baarlamaanka xisbigaas ugu jirtey ay shaley iska casishey maamulka golaha xisbigaasi baarlamaanka ku leeyahay.

Xubnaha xisbiga Libaraal-ku uu ku leeyahay degmada Kronoberg ayaa hadda aad iyo aad u canbaareeyey habka hogaanka sare ee xisbigaas Libaraalka loo hago.

Gunnar Nordmark oo ah madaxa xisbiga Libaraal-ka degmada Kronoberg ayaa isagoo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri:

  • Waxaan qabaa wixii shaley dhacey in dadka oo dhan ay u caddeysey in dhibaato xoog lihi naga heysato sida xisbiga loo hagayo, waana wax aan ku habooneyn in ay ka dhacdo baarlamaanka dalkaan Iswiidhan gudihiisa, waxaana jira dad badan oo arrinkaas dhacey ka xumaadey kuwaas oo isugu jira xubno xisbigayaga ka tirsan, kuwa caadifad u haya iyo kuwa doorta intaba, ayuu yiri Gunnar Nordmark oo ah madaxa xisbiga Libaraal-ka degmada Kronoberg.
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".