Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hanti dhowre qaran oo jagada iska casishay

La daabacay torsdag 15 september 2016 kl 11.15
Margareta Åberg, hanti-dhowrkii qaran saddexaad oo jagada iska casisha.
Margareta Åberg, hanti-dhowrkii qaran saddexaad oo jagada iska casisha. sawir: Sawirle: Victor Lundberg / TT

Hanti-dhowre qaran Margareta Åberg ayaa saaka iska cashishay howsheedii dhaleeceeymo badan dabadood.

Dhaleeceeymo in muddo ah socday xilligii kuleeylaha ee la xiriiray musuqmaasuq ayey saddexdii hanti-dhowre qaran ay middii ugu dambeeysay iska casishay jagadii.

Qoraal saxaafadeed ay soo saartay ayay ku qortay Åberg inay go'aan ku gaartay inay u wanaag-san tahay ama dani ugu jirto in hayaddu yeelato hoggaan cusub oo si dardar le huga soo bixi kara hoowlaha hor-yaala ee hanti-dhowrka, iyo sidii loo soo celin lahaa kalsoonida howshana horay loogu wadi lahaa.

Baarlamanka ayay ka cod-san doontaa in howsha laga fasaxo kolka hanti-dhowre cusub la magacaabo. "Si howlaha hayaddu u socdaan waa inuu ugu yaraan joogaa hal hanti-dhowre ", sida ay qortay Åberg.

Isha/ TT.

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".