Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sweden oo kor u qaadeysa qaxootiga ay dib u dejiso

Publicerat tisdag 20 september 2016 kl 09.52
Kordhinta siyaabaha sharciga ah ee lagu soo geli karo Sweden
(0:55 min)
Magdalena Andersson
Magdalena Andersson. Foto: TT.

Xukumadda Sweden ee uu hoggaamiyo Stefan Löfven ayaa dooneysa in ay kordhiso siyaabaha sharciga ah ee magangeliyo doonka ay ku soo geli karaan Sweden.

Xukumadda ayaa ku hindiseysa in ay kordhiso tirada qaxootiga ah ee ay Sweden soo qaado oo dib u dejin loogu sameeyo dalkan, waxa loogu waco kvotflyktingar. Hindisaha dowladda ayaa ah in kor looga qaado tirada ay Sweden ka soo qaadato xeriyaha qaxootiga oo maanta ah 1 900 oo ruux sannadkii lagana dhigo tiradas sannadka soo socda 3 400, halka sannadka ku sii xiga ee 2018 ay dowladda ku hindiseyso in tiradas laga dhigo 5 000.

Kor u qaadida tirada qaxootiga ah ee Sweden dib u dejinta looga sameeyo xukumadda waxay dooneysaa in qarasha ku baxaya ay ka jirto kaalmada caalamiga ah ee ay Sweden ugu deeqdo waddamada soo koraya, lacagta ugu badnaan laga jari doono kaalmada caalamiga ah waxay ahaan doontaa 367 milyan oo karoon afarta sanno ee soo socota.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".