Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bolis 10 000 ah oo loo tababarayo ka hortagga argagaxisada

Publicerat onsdag 21 september 2016 kl 10.59
Boliska oo la tababarayo
(1:42 min)
Tre poliser.
Dhamaan boliska ka howl-gala fagaraayaasha oo la siinayo tabobaro iyo waxbarasho dheeraad ah. Foto: Janerik Henriksson/TT

10 000 oo ah boliska Sweden ayaa waxii laga bilaabo dayrtan la siinayaa tabobaro la xiriira qaabka ay u maareyn karaan haddii waddanka uu ka dhaco fal argagaxiso.

Waxbarashadan ayaa ah mid waajib looga dhigayo dhamaan ciidamada boliska ee ka howl-gala fagaarayaasha.

– Sida aan rajaynayo, oo aan maleynayo, waxaa isbaddelaya kalsoonida shaqsiga boliska ku qabo waxay tahay in la sameeyo iyo sida ay tahay in loo sameeyo haddi weerar argagaxiso dhaco. Boliska badana waa hubeysan yahaiin wayna yaqaaniin sida laga yeelo dembile hubeysan, ayuu yeri Jonas Hysing oo ah madaxa guddiga qaran ee taktikada oo ah guddi qaabilsan horumarinta howlaha boliska ee la xiriira falalka argagaxiso.

Ku dhawaan 10 000 oo ah bolis ayaa la siin doonaa taborbarkan ciidan, kaas oo bilaaban doona inta lagu jiro dayrta. Sida uu sheegay Jonas Hysing waxaa jira hanaan boliska horey u dejiyey oo la xiriira qaabka ay tahay in boliska fagaarayaasha ku sugan ula tacalaan marka uu dhaco weerar argagaxiso, balse tabobarkan cusub ayaa ah mid ka ballaaran.

Waa tabbar loo baahanyahay, sidas waxaa tiri Emma Cronberg oo boliska qaranka u qaabilsan amaanka shaqada.

– Waxbarashadani waa mid ah layslis, shaqadeena waa mid farsamo waxayna u baahan tahay in la qaado tabobaro badan sida waaqiga loo waafajiyo waxqabadka, ayey tiri.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".