Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qof u geeriyoodey xabadeyntii xalay ka dhacday Malmö

Uppdaterat måndag 26 september 2016 kl 12.56
Publicerat måndag 26 september 2016 kl 12.31
Mohamed Yassin: Dhacdooyinkan beryahan waan ka roonayn
(4:32 min)
Polisens avspärrningsband i området där skottlossningen i Malmö skedde.
Foto: Emil Langvad/TT

Weli cidna looma qaban xabadeyn xalay ka dhacday magaalada Malmö.

 

Sida uu dhawaan wareiyey TV4 mid ka mid ah afartii ruux ee xalay lagu dhaawacay ka dhacday Malmö ayaa u geeriyoodey dhawacii ka soo gaaray.

Maalin kadib xabadeynta ay xalay ku dhawaacmeen afar qof, boliska ayaa weli ku howlan dembi baaris iyadoo ciidamaada ay garacayaan albaabada si wax uga weydiiyaan deriska waxay arkeen.

Laakiin way adagtahay in la helo ruux donaya in uu sheego waxuu arkay, ayuu yeri Claes-Arne Hermansson oo ah sarkaal ka tirsan boliska dembi baarista ku howlan.

–Waa adagtahay in la helo marqati fura, jiiraanka cabsi ayaa ku jirta oo wax masheegayaan, ayuu yeri.

Xabadeynta ay afarta qof ku waxyeeloodey waxay dhacday fiidkii hore ee xalay saacaddu markey ku beegneyd todobadii.  Ruux goobjoog ahaa ayaa wargeyska Sydsvenska u sheegay in waxyar inta aysan dhacinin xabadeynta ay gobta ku arkayeen labo mooto oo ku wareegeysa. Kadib markii goobta uu yimid gaari ayaa shaqsi madaxa u duubanyahay oo saarnaa mooto waxuu xabadeyn ku bilaabey gaariga goobta soo is-taagay.

Aafar qof ku dhawacmay xabadeynta, mid ka mid ah ayaa hadda la soo sheegayaa in uu u geeriyoodey dhaawacii. 

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".