Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Howlaha shaqada qaranka oo dib loo soo celin kari doono

La daabacay onsdag 28 september 2016 kl 16.48

Baadhitaan maanta dawladda loo gudbiyay ayaa sheegaya in dhalinyarada doonaysa in ay shaqada qaranka barato fursad loo siiyo.

Tan ayaa ka dhigan in tabobarkan dib loo soo celin karo. Qorshahan ayaa u jeeda dhalinyarada dugsiga sare ee gymnasiet ka baxa. Laga bilaabo 1 bisha luulyo sannadka 2017 ayaa tabobarkan la bilaabi kara hadii ay dawladdu dhabeeyso qorshaha ay baadhe Annika Nordgren Christenssen maanta soo hor dhigtay dawladda.

- Waxaan iminka rajeeyn in aannu heli doonno dhabbadii aannu u mari laheyn sidii looga bixi lahaa baahida ciidanka difaacu u qabo howl-wadeenno. Waxaan sidoo kale rajeeynayaa in baaritaankan la soo ban-dhigey uu taageero ku yeesho garabyada xisbiyada kala duwan. Xitaa haddii ay dawladdu gacanta ku hayso furihii ay dib ugu soo celin lahayd howlihii shaqada qaranka, sida uu sheegay wasiirka difaaca ee dalka Sweden Peter Hultqvist (S).

Baaritaanka maanta dawladda loo gudbiyey ayaa dib loogu kala diri doonaa hayadaha uu khuseeyo sidii ey uga soo fikir dhiiban lahaayeen muddo afar bilood ah. Iyadoona jawaab laga fileyo ugu dambeeyn 30-ka bisha jannaayo ee sannadka foodda innagu soo haya 2017.

Isha/ TT.

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".