Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ericsson oo shaqada ka cayrineysa 3000 oo qof

Publicerat tisdag 4 oktober 2016 kl 09.15
Maareeyaha Ericsson: waa dhimeynaa wax soo saarkeena Sweden
(2:48 min)
Ericsson flagga med blå himmel i bakgrunden.
Foto: JONAS EKSTRÖMER / TT

Sidas waxay ku qorantahay warsaxaafadeed dhawaan shirkadda ka soo baxay.

Shirkadda Ericsson ayaa xaqiijisey warar dhawaanahan laysla dhexmarayey oo ah in shirkadda ay cayrineyso shaqaalaheeda Sweden oo ay albaabada iskugu dhufan doonto warshadaha ay shirkadda ku leedahay Sween. Warsaxaafadeed dhawaan ka so baxay shirkadda ayaa lagu xaqiijiyey in shirkadda ay shaqada ka cayrineyso dad gaaraya 3000 oo qof oo ka howl-gala xarumaha ay shirkadda ku leedahay Sweden.

Maamulka shirkadda ayaa maanta saacaddu markey-tahay 11 shir-saxaafadeed arrintan ku sabsan ku qaban doona kista Waqooyiga Stockholm.

Magaalooyinka ay sida ba'an u saameyneyso shaqo ka ceyrista ay ku dhawaaqdey Ericsson waxaa ka mid ah Borås, Göteborg, Karlskrona, Kumla, Linköping iyo Stockholm.

Kumla

Katarina Hansson oo ah guddoomiyaha maamulka degmada Kumla oo ka hadlaysay waxa auy degmada ay maamulsho ka sa meyneyso warkan maanta ka soo baxay Ericsson waxay ka tiri:

" waxaan isku keeneynaa howl-wadeenada maamulka degmada si ay xiriir ula sameeyaan Ericsson. Sidoo kale xiriiro kaloduwan la sameyneynaa maamulada gobolka Örebro iyo wasaaradda ganacsiga. Baaxad kasta oo ay la'egtahay tirada shaqada laga ceyrinayo, waxaan u baahanahay isteraajiyed arrintan lagu maareeyo", ayey Katarina Hansson guddoomiyaha degmada Kumla.

Warkan oo faahfaahsan la soco dhawaan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".