Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

SD oo doonaysa in xoogga la saaro isdhexgalka bulshadda

La daabacay onsdag 5 oktober 2016 kl 11.04
Isdhexgalka bulshadda
(2:01 min)
Xisbiga Sverigedemokraterna oo saaka soo dhingay miisaaniyadoodii.
Xisbiga Sverigedemokraterna oo saaka soo dhingay miisaaniyadoodii. sawir: Carl V Andersson/TT

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa saaka soo bandhigay miisaaniyadii ay waddanka ku dhaqi lahaayeen hadii ay awooda gacanta ku dhigi lahaayeen. Isdhexgalka ajanibta ayaa ka mid ah qorshaha ay doonayaan in xooga la saaro.

Tusaalahan ayey ku talo jiraan in dadka waddanka ku cusubi qaataan waxbarasho xirfadeed si ay dhakhso ugu soo galaan suuqa shaqada. Sverigedemokraterna ayaa shaqobixiyaasha dadkan ka shaqaaleeysiiya lacag dheeraad ah siinaya sadexda sanno ee ugu horreeya. Halkaas ayey lacag gaadhaysa 4 bilyan oo koroon ku maalgelinayaan sannad walba.

Tan ayaa ka dhigaan in la joojin lahaa "nystartsjobben" oo ah nidaamka ay dawladdu u soo saartay dadka shaqo l´aantu haysay wakhti dheer.

Dhanka kale ayey Sverigedemokraterna qeeybsaneeyn fikirka mucaaradka oo ah in xisbigu haysan qorshe ku saabsan isdhexgalka bulshadda.

-Maaha fikir aan xisbiyadan la qeeybsanayno. In fikirkeeno ka duwan yahay xisbiyada kale kama dhigna in aanu haysan qorshe ku saabsan isdhexgalka bulshadda , ayuu sheegay afhayeenka dhaqaalaha ee xisbiga SD.

Ta kale ayaa ah in xisbigani doonayo in lacag gaadhaysa 650 milyan oo koroon ku maalgelinayaan boolisyadda waddanka. Kuwan ayaa dakhliga loo kordhin lahaa, hadii ay SD waddanka hogaamin laheeyd.

In kasta oo u xisbigani markii ay saaka soo bandhigayeen misaaniyada  sheegeen in ay xooga saarayaan ajaanibta waddanka ku cusub iyo shaqo l´aanta kuwan haysa, ayey isla miisaaniyadan ku qorsheeyeen in la dhimo qaabilada qaxootiga.

Ugu dambeeyn ayuu xisbigani doonaya in canshuurta laga dhimo dadka hawlgabka ah ee pension-ka qaata.



 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".