Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Waalidiin dib looga codsaday iney dhaqaale soo celiyaan

La cusbooneeyay fredag 7 oktober 2016 kl 12.17
La daabacay fredag 7 oktober 2016 kl 11.46
Xafiis ka mid ah xafiisyada hayadda ceeymiska qaranka.
Xafiis ka mid ah xafiisyada hayadda ceeymiska qaranka. sawir: Sawirle: CHRISTINE OLSSON / TT

Dhaqaale gaarsii-san 74,5 oo malyan oo koroon ayaa illaa hadda sannadka dib looga dalbaday dadyoow gaarsii-san 1 871 oo looga tuhun qabo iney is-daba maris ku sameeyeen dhaqaalaha lagu qaato ilmaha xanuun-san.

Dhaqaalahaa ayaa ah mid siddeed jeer ka sarreeya dhaqaalihii dib loo codsaday ee saddexdii bilood ee sannadka ugu horreysey kolka loo barbar-dhigo dhiggooda ee sannadkii 2014, sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter.

Dhaqaalahaasi ayaa ah mid aad uga tira badan kolka loo barbr-dhigo wixii ka horreeyay intii aanay hayadda ceeymiska qaranku nidaamkan cusub ee baaritaanka aanay ku tallaabsan gabagabadii sannadkii ina dhaafay. Iyada oo uu baaritaankani salka ku hayo dadyoowga musuqmaasuqa gunnada loo qaato dhallaanka xannuun-san.

- Shakhsi noocan ah markaannu ogaanno ayaannu dhowr sannadood dib ugu noqonnaa. Markaa ayaannu heli karnaa sawirka dhabta ah, sida uu sheegay Niklas Löfgren, ahna af-hayeenka waaxda dhaqaalaha qooysaska ee hayadda caymiska qaranka.

Isha/ Ekot.

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

                                                             

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".