Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada oo ey dood xalay ku dhexmartay Svt

La cusbooneeyay måndag 10 oktober 2016 kl 12.55
La daabacay måndag 10 oktober 2016 kl 12.54
Åkesson oo ka dhiidhiyay
(2:10 min)
Hoggaamiyeyaasha xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka Sweden.
Hoggaamiyeyaasha xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka Sweden. sawir: Sawirle: Fredrik Sandberg/TT

Dood xalay ku dhexmartey hoggaamiyeyaasha xisbiyada dalka Sweden idaacadda la iska daawado ee Svt ayuu raali-gelin dib uga laabasho ah ka dhiibey hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokaraterna (S), ahna madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven.

Dood culus oo xisbiyadu isku dhaafsadeen ayuu Löfven ku sheegay inuu xisbiga Sverigedemokraterna yahay xisbi fashiiste ah, hase yeeshee uu dib uga laabtay. ”Ma hubo in dooddu ila tagtay", sida uu sheegay Löfven.

Ereyadan ayaa ka dhacay hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna ahna madaxa dawladda Sweden dood la xiriirtay habka ey xisbiyadu diyaar ugu yihiin sidii ey ku hoggaamin lahaayeen doorashada foodda innagu soo haysa oo aan la hubin habka ey garabyadu u kala codad badnaan doonaan.

Dooddan oo ka dhacday idaacadda la iska daawado ee Svt fiidnimadii xalay oo axad ahayd ayaa cirka isku shareertay kol ey ereyo is-dhaafsadeen Löfven iyo hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson. Iyadoona uu Åkesson ka carooday mar uu Stefan Lövfen ku tilmaamay xisbiga SD inuu yahay xisbi fashiiste ah. 
– Waa ereyo aan qurxooneyn waxa laga hadley, sida uu sheegay. 

Åkesson ayaa ku andaceeyay Löfven in aannu dood wax ku ool ah ka qeyb qaadan karin, halkii uu dhaleeceeymo aan wax ku ool ahayn aheyn oo la isku wasakheeyneyo uu soo jeedin lahaa.
Xisbiga SD ayaa iminka dacwad ka dhan ah madaxa dawladda u gudbin doona guddi-hoosaadka dastuurka ee baarlamanka. 

Hase yeeshee kolkii ay dhamaatay dooddii hoggaamiyeyaasha xisbiyada ee idaacadda la iska daawado ee Svt uu madaxa dawladda Stefan Löfven, dib uga laabtay ereyadii in xisbiga SD uu yahay xisbi salka ku haya nasiismada.

Isha/ Ekot.

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".