Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Afhayeenka dhaqaalaha SD oo yuhuuda aflagaaday

La daabacay torsdag 13 oktober 2016 kl 11.16
Oscar Sjöstedt:"Been ayaa liga sheegay"
(1:21 min)
Afhayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Sverigedemokraterna, Oscar Sjöstedt.
Afhayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Sverigedemokraterna, Oscar Sjöstedt. sawir: Jessica Gow/TT

Sidaan horay idinla socodsiinay afhayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Sverigedemokraterna Oscar Sjöstedt ayaa fideeo laga duubay 2011:kii isaga oo leh ”Yuhuuda” islamarkaas na xoolo dhintay laad ku dhufaanaya ka dib na qoslaya. Sjöstedt ayaa saaka barnaamijka P1 morgon ka jawaabay dhaleecaynta beryahaan loo soo gudbiyay.

– Been ayaa liga sheegay, kursigeeyga na kama fadhiisanayo, ayuu Oscar Sjöstedt barnaamijkan ka sheegay.

Sido kale ayaa Sjöstedt la weeydiyay su´aalo la xidhiidha xaflad uu ka qeeyb galay 2005:tii. Ururka qabanqaabinayay xafladan ayaa ah mid fikirka naazistiga ah taageersan.

Sjöstedt ayaa u jeeda in aanu la soconin arrinkan hasayeeshe uu xafladdan ka tagay markuu ogaaday in ururko fikirkan aaminsanyahay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".