Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Weerarkii Moosul oo saaka aroornimadii bilowday

La daabacay måndag 17 oktober 2016 kl 15.34
Wallström: Howlaha la dagaalanka argagixisada
(1:46 min)
Wasiirka arrimmaha dibadda Sweden Margot Wallström.
Wasiirka arrimmaha dibadda Sweden Margot Wallström. sawir: Pontus Lundahl/TT

Xoogagga Daacish ayay dhabar jab ku tahay haddii laga qabsado magaalada Moosul ee dalka Ciraaq.

Magaalada Moosul ayaa ah fadhiga ugu wayn ee xoogagga Daacish ey leeyihiin. Iyadoona saaka arrooryadii ey laba dhinac weerar kaga soo qaadaan ciidammada dalka Ciraaq oo garab ah, iyo kooxaha iska caabinta kurdida ee lagu magacaabo Peshmerga.

Wasiirka arrimmaha dibadda Margor Wallström oo u warrameeysay laanta wararka Ekot ayaa sheegtay inuu waarkan bilowday qayb ballaaran ka noqon doono howlaha la dagaalanka argagixisada.

- Waxaa mar walba muhiimad ballaaran ku fadhida sidii loo badbaadin lahaa bulshada. Iyadoona midda la sameeyay ay tahay in loo digay. Waxaa sidoo kale dagaalka gacan ka geeysanaya cidammo ka socda Mareeykanka iyo Faransiiska.

- Hase yeeshee annagu dhankeenna, haddaannu nahay waddammada ku midoobay ururka EU in muhiimad ay leedahay howlaha ka dambeeya dagaalka, sida ay sheegtay Margot Wallström.

Carriga Moosul oo uu saaka dagaal ka biloowday ayay ku dhaqan yihiin dadyoow lagu qiyaaso 1,5 malyan oo ruux.

Isha/ Ekot.

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".