Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bob Dylan oo aan weli jawaab ka bixin abaalmarinta Nobeelka

La daabacay måndag 17 oktober 2016 kl 16.52
Bob Dylan oo aan weli ka jawaabin inuu biladda Nobeelka aqbalay iyo in kale.
Bob Dylan oo aan weli ka jawaabin inuu biladda Nobeelka aqbalay iyo in kale. sawir: Chris Pizzello

Akadeemiyada Sweden oo maalmo baadi-goob ugu jirtay sidii ay xiriir ula sameeyn lahayd Bob Dylan oo ku guuleeystay biladda abaal-marinta Nobeelka ee suugaanta ayaa ku guul-dareeysatay.

Howl-wadeenno ka socda akadeemiyada Sweden ayay horay ugu suurtagashay xiriir inay la sameeyaan shsakhsi ka ag-dhow Bob Dylan, ayana weli ka helin wax jawaab ah inuu Bob Dylan ku talo jiro abaal-marinta inuu u soo xaadiri doono iyo in kale. Sara Danius ayaa ku dhawaaqday in akadeemiyadu howshaa dhinac iska dhigtay.

- Biladda nobeelka suugaanta isaga ayaa leh kuna guuleeystay, waana mid isaga ku xiran inuu u yimaado iyo in kale. Laakiin waxaan dareen ku qabaa inuu iman doono, sida ay sheegtay.

Horay ayay u dhacday in aaney xafladda biladda u iman dadyoow ku guuleeystey, ena dhacday inuu shakhsi biladdaa ku guuleeystay uu iska diido. Hase yeeshee horay uma aanay dhicin inuu shakhsi ku guuleeystay biladda nobeelka aannu maalmo dabadeed wax jawaab ah ka bixin, sida uu sheegay Mattias Berg oo ka howl-gala laanta suugaanta ee idaacadda Raadiyaha Sweden.

Isha/ Ekot.

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".