Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wiil kali socoda oo da´diisa la badaley wax yar ka hor intuusan 18 jirsan

La daabacay tisdag 18 oktober 2016 kl 15.47
Wiil kali socod ah oo da'diisa badaley intuusan 18 jirsan
(2:32 min)
Wiil keli-nimo dalka ku yimid isaga oo aaney la socon waalidkii dhalay oo sarrir goglanaya.
Wiil keli-nimo dalka ku yimid isaga oo aaney la socon waalidkii dhalay oo sarrir goglanaya. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Heyadda qaxootiga Iswiidhan ayaa u aragta in wiil Axmad loogu magac-darey oo dalka Afqaanistaan ka yimid la masaafuriyo maadaama uu da´ahaan dhaafey 18 sano jir ,wuxuuse iyadoona da´diisa la badaley 2 usbuuc iyo bar ka hor intii uusan buuxin da´da 18 sano jir.

Axmad oo runtii magac kale leh balse aan hadda ugu yeereyno magacaas ayaa sheegey in qoyskiisu ay dalka Iiraan u soo qaxeen kuwaas oo ka soo qaxay dalka Afqaanistaan ka dib markii ay handadaado kala kulmeen ururka Talibaan. Dalka Iiraan ayuuna sharci darro ugu noolaa laga soo bilaabo markii da´diisu aheyd 9 jir ilaa uu xagaagii la soo dhaafey dalkaan Iswiidhan qaxootinimo isaga dhiibey.

Sida ay u badan yihiin dhallaanka da´da yar dalkaan isaga dhiibaa, Axmad ma uusan wadan waraaqo caddeyn ah oo muujinaya qofka uu yahay, sidoo kalana wuxuu sheegey in uusan ogeyn taariikhda saxda ah ee uu dhashey, laakiin Iswiidhan markuu soo galey ayuu sheegtey da´da 17 jir taas oo uu sheegey in waalidiintiis ay u sheegeen.

Axmad ayaa laba toddobaad ka hor intii aanu buuxin da´da 18 jirka loo soo tuurey diidmo dhanka sharciga ah, waxaana loola dhaqmey sidii uu yahay qof weyn oo qaangaar ah.

Axmad ayaa sheegaya in da´diisu aysan wali gaarin 18 jir balse hayádda qaxootiga ayaa ku adkeysatey taas oo sidoo kalana ku saleysey goáanka ay wiilkaas ka gaartey.

Daniel Salehi oo madaxwaaxeed ka ah heyádda qaxootiga ayaa wiilkaas u sheegtey sidan soo socota :

  • Heyádda qaxootigu waxay go'aamisey in aadan runta ka sheegin da´daada saxda ah sidaas daraadeed waxaan ka duuleynaa da'da 18 jirka ah ee dalkaan Iswiidhan lagu qaangaaro, ayey tiri Daniel Salehi.

Axmad ayaa sanadkii uu joogey dalkaan Iswiidhan wuxuu bartey luqadda dalkaan, wuxuuna galey dugsi sare sidoo kalana wuxuu kubadda cagta ugu tababartaa magaalada Malmö oo uu ku nool yahay.

Axmad ayaa dalka Afqaanistaan lagu celin doonaa haddii abiilka uu qadiyaddiisa ka qaatey aysan xaalka wax ka badalin, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

  • Suáalo badan ayaan qabaa , maxay tahay sababta ay waxaas u sameeyeen , maxay tahay sababta ay nolosheyda ugu cayaarayaan, ayuu yiri Axmad.

Axmad ayaa labada gacmood wuxuu ku leeyahay nabaro waaweyn, ka dib markii uu dhaawacyo isu geystey, wuxuuna ka baqayaa in ururka Daalibaan ay dilaan, haweeney magaalada Malmö dagan ayaa markuu isdhaawacey caawisey taas oo uu iminka la nool yahay, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

  • Wax kasta ayey ii gadey, taleefoon ayey ii gadey, wax kastey ii gadey. Waxaanu nahay hooyo iyo wiilkeed oo kale, waxaana filayaa in aan sharciga helo ayuu yiri Axmad.
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".