Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhacdadii Trollhättan oo ay sannad ka soo wareegtay

La daabacay fredag 21 oktober 2016 kl 08.46
Falkii ugu foosha xumaa ee ka dhaca iskuul - Trollhättan
(8:50 min)
Xabaashii Axmed ee ka dhacday Trollhätan maanta oo jimce ah. Sawirle: Muna Ismail/SR
1 av 2
Xabaashii Axmed ee ka dhacday Trollhätan maanta oo jimce ah. Sawirle: Muna Ismail/SR
Abshir Ismaaciil (M) Sawirle: Ahmed Mahmod/Sawir gaar ah.
2 av 2
Abshir Anbaashe (M) Sawirle: Ahmed Mahmod/Sawir gaar ah.

- Weli ciidanka ammaanka ayaa ku sugan dugsiga hoose/dhexe ee Kronan ee magaalada Trollhättan, halkaasina oo uu nin hubeeysani ku dilay maanta goor sii horreeysay kalkaaliye macallin iyo arday ka mid ah ardeydii iskuulka dhiganaysey.

21-jirkii falkaa ka dambeeyayna ay ciidanka ammaanku dhaawaceen, uuna ku geeriyooday cusbitalka.

Waxay ka mid ahaayeen warar idaacadda ka baxay maalin-nimadii 22-kii oktoobar ee sannadkii ina dhaafay 2015.

22 oktoobar 10.09 saacaddu markay ahayd waxaa boliiska gaaray dhambaal looga soo diray iskuulka Kronan ee magaalada Trollhättan iyo inuu wiil 21 jir ah galay iskuulka oo laba ardey, kalkaaliye macallin iyo macallin uu ku dhaawacay seef.

10.17 ayuu wiilkaasi weerar ku qaaday boliiskii goobta yimid, halkaasina oo lagu xabbadeeyay, isagoona isla maalintii u geeriyooday dhaawacyadii soo gaarey. Dhanka kale waxaa isla-maalintii geeriyoodey kalkaaliyihii macallinka iyo arday ka mid ahaa ardeydii iskuulka dhiganeysey. Halka uu macallinkiina geeriyooday lix toddobaad dabadood. Hase yeeshee nasiib wanaag uu ardaygii labaad uu ka kacay dhaawicii ka soo gaaray.

Madaxa dawladda Stefan Löfven ayaa isla maalintii safar ku tagay goobtii masiibadu ka dhacday: Ereyo uu halkaa ka jeediyeyna ey ka mid ahaayeen: "Murugo ayaan dareemayaa, waxaanan idiin soo gudbinayaa tacsi aan ka wado dawladda iyo dhammaan bulshada reer Sweden ".

Maalintii xigtay, 23-kii bishii oktoobar 2015 ayuu xirnaa iskuulku, halka boliiskuna shaaca ka qaaday in falkaasi ahaa mid uu ka dambeeyo faqooq iyo jinsi nacayb.

7dii bishii maarso, ciidammada ammaanku waxay soo gabagabeeyeen baaristoodii. Waxaa muuqatay inuu dembiiluhu ahaa keli, isla-markaana uu keli ahaan falkaa u qorsheeyay si ula kac ahna uu u doortay iskuulka Kronan.

Taariikhda dhacdadaasi ayuu muddo aad u yar horteed iskuulka ka tagay inanka lagu magacaabo Abshir Canbaashe oo xilligaa macallin ka ahaa iskuul ey mataanno yihiin dugsiga hoose/dhexe ee Kronan, isagoona markaa ku sii jeeday dugsi aan ka fogeyn oo ey xiisadaha qaarkood ey ardeydu wax ku qaadan jireen:

Dhacdadii maalintaa ka dhacday iskuulka hoose/dhexe ee Kronan kolkii ay siyaabo kala duwan ku gaartay macallimiintii ayuu argagax galey howl-wadeennadii uu la shaqeeynayey Abshir Canbaashe, iyadoona uu galey shaki ah inuu weerar midkaa la mid ah ku soo beegan yahay dugsigaa oo masaafo 500 oo mitir u jiray dugsiga Kronan. Maxaa haddaba ka dambeeyay?:

22ka oktoobar 2016

Bannaan-bax ballaaran oo looga gol leeyahay isu-dul-qaadashada, sinnaanta iyo ka hor-tagga faqooqa ayaa ka dhici doona magaalada Trollhättan. Wasiirka tacliinta Gustav Fridolin, hoggaanka degmada iyo qaraabo ayaa ka mid ah dadyoowga ka qayb qaadan doona.

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".