Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kinberg Batra oo aaminsan in halkaa laga sii wado kontroolka xuduudaha

La daabacay tisdag 25 oktober 2016 kl 10.47
Anna Kinberg Batra
sawir: Annelie Frank/ Sveriges Radio

Hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna (M) Anna Kinberg Batra ayaa taabac-san in halkooda laga sii wado howlaha ilaalinta xuduudaha u dhexeeya Sweden iyo Danmark.

– Waa qof aan fekerayn ruuxa aamin-san inay dhammaataycaqabaddii qaxootiga, sida ay sheegtay Batra oo u warrameeysay war-geeysyada Sydsvenska iyo Helsingsborgs Dagblad iyadoona middaa ku saleeysay xaaladaha ka aloosanbadda dhexe ee mediteriyaanka iyo dalka Suuriya.

Halkaay hoggaamiyaddu dhanka kale sheegtay in loo baahan yahay sidii loo adkeeynlahaa ilaalinta xudduudaha isla-markaana uu hab-sami ugu shaqeeyn lahaa suuqashaqada ee nawaaxiga buundada Öresund.

Hoggaankaxisbiga Moderaterna ayaa sidoo kale taabac-san in halkooda laga sii wadoxeerarkii qaxootiga ee la adkeeyey xilligii kuleeylaha ee sannadkan 2016. Xeerarkaasinaoo oranaya in la adkeeyo bixinta sharciga deggenaansho ee joogtada ah iyo adkeeyntasuurtagalka ey soo-galootigu kula midoobi karaan qaraabadooda.

–Dalka Sweden wuxuu u baahan yahay siyaasad qaxooti joogta ah oo xasiloon iyo incidda culeeys iyo dagaal ka soo cararta ay hesho sharci deggenaansho ee kumeel-gaar ah iyo in ciddii howl ku hesha muddada ay dalka ku sugan tahayna kusii nagaato. Waana midka aasaaska u ah xeerka, sida ay sheegtay Anna KinbergBatra, ahna hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna.

Isha/ SVT.

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".