Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Madaxa xoghaynta wasiirka kaabiyayaasha dhaqaale oo xilkii laga xayuubiyey

La cusbooneeyay torsdag 27 oktober 2016 kl 11.26
La daabacay torsdag 27 oktober 2016 kl 10.24
Anna Johansson: Kalsooni buuxda iminka kuma qabo
(1:29 min)
Anna Johansson, wasiirka kaabiyeyaasha dhaqaale ee Sweden.
Anna Johansson, wasiirka kaabiyeyaasha dhaqaale ee Sweden. sawir: Sawirle: Micke Larsson/TT

Wasiirka kaabiyeyaasha dhaqaale ee dalka Sweden Anna Johansson (S)ayaa ku dhawaaqday inay xilkii ka xayuubisay madaxeedii xog-haynta, sida ku cadwar-bixin laga sii daayay laanta wararka idaacadda ee Ekot.

Baaris uu war-geeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter ku sameeyay dhaqaalahauu madaxii xog-haynta wasiiraddu ku kharashgareeyay safarradiisa ayaa sabab unoqotay inuu ku waayo howshiisii.

– Waa in wasiiraddu dareento kalsooni buuxda daqiiqad walba,maalin walba. Mana ahan mid iminka jirta, sida uu bogga shaashadda internet-kamadaxtooyada ku qoray Bromander.

Wareeysi uu war-geeyska DN la yeeshay wasiiradda ayay sidan ku macneeysay:

– Erik Bromander ayaa howl wanaag-san qabtay intii uu xilka hayay. Waa nin howl-kar ah oo aan taageero badan ka helay. Hase yeeshee loo baahan yahay inaan aaminaad buuxda aan ku qabi karo boqolkiiba boqol. Mana ahan mid aan iminka dareemayo, sida ay sheegtay.

Fredrik Furtenbach, ahna suxufi ka howl-gala idaacadda Sweden ayaa sheegay in shaqa ka fariisiga degdegga ah ee wasiiraddu ku tallaabsatay tahay mid lagu xalineyo xaalad degdeg ah.

 – Shaqada waxaa si degdeg ah looga fariisiyey si aanu dhaawac ugu geey-san wasiiradda, Anna Johansson wasiiradda qudheeda.

– Waa fal cajiib ah inuu garan waayo madax xog-hayn wasiir in baaris lagu sameeyn karo. Wax lala yaabo inuu Erik Bromander middaa garan waayo, waa caqli xumo, sida uu sheegay Fredrik Furtenbach.

Isha/ Ekot.

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".