Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wado-xaajodka Heshiisyada mushaaradka shaqaalaha warshada oo bilaabanaya

Publicerat fredag 28 oktober 2016 kl 13.00
Iskaashatada: keega qeybteena ha nala siiyo
(1:27 min)
Malin Olsson arbetar som håltagare vid ett bygge i Stockholm
Malin Olsson waxay ka howl-gashaa dhisme ka socda magaalada Stockholm Foto: Tomas Oneborg/TT, Anders Jelmin/Sveriges Radio.

Ururada iskaashatada ayaa guulo ka filanaya sannadkan wado-xaajoodka heshiisyada mushaararadka

Maanta ayaa waxaa bilaaban doona dhaqdhaqaaqo la xiriira heshiis cusub oo xagga mushaarada ah. Iskaashata ka howl-gasha warshada ayaa maanta soo bandhigi doona dalabyadooda ah mushaaro cusub. Xeel-dheerayal badan oo dhanka dhaqaalaha ayaa sheegaya in ururada iskaashatada ay hadda heystaan fursad qaali ah oo ay dalban karaan mushaarad sare. Gaar ahaan shaqaalaha ka howl-gala dhismayaasha ayaa dalbanaya mushaarad sare.

Shanta urur ee matasha iskashatada warshadaha ka howl-gasha ayaa sannadkan dalbanaya mushaar kodhin u dhiganta mushaar kordhintii ay dalbadeen labada sanno ee ugu dembeysay.  

Iskashatada warshadaha waxay sheegen in dalabyadooda mushaar kordhi sannadkan ay tahay 2’8 procent oo u dhiganta dalabyadoodii sannadkii hore, iyadoo weliba dhaqalaha waddanka uu sii wanaagsanaanayo.

Shaqaale kor u dhaafaya hal milyan ayuu khuseyn doonaa wado-xaajoodka mushaar ee ay dhawaan la geli doonaan ururada iskaashatada warshadaha dhigooda ah shaqobaxiyaasha.   

Mushaarka ay ku heshiiyaan iskashatada warshayada iyo shaqo-baxiyaasha ayaa sida caadada tahay u noqda tusaale mushaaradka ay helayaan shaqaalaha ka howl-gala qeybaha kale ee suuqa shaqada.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".