Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Guryaha qaxootiga loo iibiyo oo sameeyn xun ku leh suuqa guryaha

La daabacay måndag 31 oktober 2016 kl 10.45
"Kharashka guryahan ayaa kor u kacay"
(1:22 min)
Guryaha la iibsado ee bostadsrätt loo yaqaano.
Guryaha la iibsado ee bostadsrätt loo yaqaano. sawir: Anders Wiklund/TT

Degmooyinka iibsada bostadsrätt guryaha la iibsado si ay dabeetana uga kireeyaan qaxootiga sharciga sugaya ayaa ku jira khatar in ay si xun u sameeyaan suuqa guryaha. Degmooyinka guryahan iibsaday ayaa kor u qaaday kharashka guryahan.

Tiro gaadhaysa 20 degmooyin ayaa guryo noocan oo kale iibsaday. Mid ka mid ah kuwan ayaa ah degmada Vallentuna. Degmadan ayaa ilaa bishi juun ibsatay 17 guryo si ay uga kireeyaan qaxootiga waddanka ku cusub.

- Boqolkii ba soddon guryahan ayey degmadani iibsatay bishi juun. Tan ayaa saameeynaysa suuqa guryaha. Sidaas waxaa sheegay Per-Arne Sandegren oo tirokoobkan isha ku hayay.

Ururka maamullada degmooyinka iyo gobollada ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno SKL ayaa filaya in tirada degmooyin ee guryahan iibsada si ay uga kireeyaan qaxootiga waddanka ku cusub soo kordhi doonaan mustaqbalka.

Khaasatan degmooyinka ku yaala gobolka Stockholm, sida baadhitaanka ay sameeyeen sheegayo. Hasayeeshe ayaa la filaya in gobolka Malmö iibsan doono guryaha ugu badan, sida hadda la filayo 140 guryo sannadkan iyo ka soo socda 2017.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".